BALI-GUBADLE Xaruntii Halganka Somaliland, Oo Weli Ka Qatan Wax-qabadka Xukuumada, Iyo Booqashadayda Todobaadkan.

0
29
Hargaysa (Saxilnews.com)-Barnaamijkayga wadooyinka qaybtiisa labaad waxaan ku soo bandhigi Doonaa dhismihii wadada BALI-GUBADLE iyo halkuu ku danbeeyay.
1-wadadan waxaa dhagax dhigay madaxweyne siilaanyo. waxayna ka mid ahayd balan qaadkii uu u sameeyay reer bali gubadle ee ay ku doorteen.
2- waxaa u kacay dardar geliyayna Gudi- Madaxbanaan oo ka tirsan dadka deegaanka Gacana ka helayay xukuumada.
3- xukuumada ayaa balan qaaday, 5 km ee ay dhistaanba inay 5 kale ugu darayso dowladu, waxaa go,aankaas ku dhawaaqay wasiirkii wadooyinka ee xirsi, halka madaxweyne siilaanyo ku deeqay 100.000 oo dollar.
4-sida aan xogo kaga helay wadadii way joogsatay markii ay meesha ka baxday gacantii dowladu,
5-Bali-gubadle waa gobolka qudha ee dadkiisu 100% u codeeyeen xisbiga kulmiye balse aanay dowladu hal wax qabad ah oo muuqda ka fulin. waa gobol madi ka noqday horumarka dowladu ka fuliso gobolada dalka.
6- meeye gudidii wadadu, wasaarada hawlaha guudse may ilowday wadadan inay socotay mise warba kamay hayn.
————————-
7-wadadan waxaa uu 5tii km ee u horaysay xadhiga ka jaray madaxweyne siilaanyo ee wasiirkiisii hore ee Xirsi. 18-novenber ee sanadkii hore.
8- Maalintay ahayd 24-kii decenber ee isla sanadkaasna waxaa lacag qurbe-joogta reer bali gubadle soo direen la wareegay wasiirka hawlaha guud Cali Hassan lacagtaas 8 kun bay ahayd.
8 daa kun 100 kun ee madaxweynahu balan qaaday waxay dhisilahayd 11 km oo wadada normal ka ah, balse taasi may dhicin meel ay martayna lama hayo.

barnaamijkan waxaa qayb ka noqon doona, madaxdhaqameedka gobolka, xildhibaanada deegaanka, dhalinyarada wax u baratay gobolka, iyo isha camerada oo ka warami doonta sida wax yihiin.
——————–

 Waa Qalinkii Cali Mahdi Jabriil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here