Salal(S N)-Xuduudka Somaliland iyo Jabuuti, ayaa maalintii labaad xidhan kadib markii ay soo baxeen warar iftiiminayo arrimo amaan darro. Xidhista xuduudka ayaa saamayn ku yeelatay Nolosha Shacbiga Somaliland ee Galbeedka oo ku xidhnaa Dalka Jabuuti.
Xadka waxaa xidhay Dawladda Jabuuti oo la sheegay inay heshay warar sheegaya falal amaan darro oo ku soo foolleh dalka Jabuuti. Dawladda Jabuuti wali war rasmi ah kama soo saarin xuduudka xidhan.
Cabdirisaaq Waabari Rooble, Badhasaabka Gobolka Salal, ayaa shalay saxaafadda la hadlay, waxaanuu xaqiijiyay in xidhista xuduudku la xidhiidho tuhuno argagixiso. “Xidhista Xadka waanu ka wada soconnaa Dhinaca Jabuuti iyo Dhinaca Somaliland-ba.Waa laga wada socdaa, Wasiirka Daakhiligu waa la socdaa, warar baa jira la leeyahay waxbaa jira, markaas labada dhanba feejignaan baanu galnay” ayuu yidhi Badhasaabku.
Badhasaabka oo ka sii hadlaya sababta xadhiga Xuduudka waxa uu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Dalkan ama mandaqadan Geeska Africa Mushkilad baa ka jirta, niman argagixiso ah oo runtii shadaadiin ah oo wax duminaya oo cidba aan u hambaynayn ayaa jira, markaas markasta cabsi fara badan iyo feejignaan baa jirta”
Badhasaabku waxa uu sheegay in hakadka maalintii labaad maraya ee Xuduudku saamayn ku yeeshay Bulshada Reer Somaliland ee Gobolkaasi Salal, waxaanuu “Caanaha laga qaado halkan waxaa la geeyaa Jabuuti shalayna way hakadeen, furinka iyo Khudaarta lagu quuto Saylacna, waxa laga keenaa Jabuuti, shalayna way yara hakadeen, taasina noqon mayso mid sii socota insha Allah” .
Wasiirku xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland ayaa in muddo ah ku sugan Jabuuti, balse waxa uu Badhasaabka Salal sheegay inuu Wasiirku dano gaar ah u joogo halkaasi arrintanina safarkiisa kadib soo baxday.
Dalalka Jabuuti iyo Ehtiopia ayaa sanadkii hore mar xidhay Xuduudaha kadib markii qarax laga fuliyay Jabuuti bishii may ee 2014, dadka fuliyayna la ogaaday inay Xuduudka Somaliland uga gudbeen. Lama oga ilaa wakhtiga uu xuduudku xidhnaan doono balse dadka degaanka ku xeeran xadka ayaa si weyn u tebaya xidhiidhkooda Jabuuti oo dhanka ganacsiga iyo arrmaha kaleba ugu xidhan.
SAXILNEWS.COM