INDHO ,LA AANTA SULDAAN WABAR IYO MOOGANAANTA REER BORAMA

0
19

Waxaan qoraalkaygan ku eegayaa maxaa sababay inay reer awdal Somaliland ugu Cago Jugleeyaan Somaliland Waanu Ka Goosanay

Waxaa jira  taariikho isasoo dabayaal ka hadlaya taariikhada Awdal iyo xarunta boorama oo ku suntan Taariikhada Somaliland Marka La Eego dhinaca Horumarka Iyo wax wada qabsiga

Balse waxaa jira mid taasi bar bar socota oo ah cunfi iyo colaad fog oo ku duugan qaar ka mid ah dadka reer awdal Gaar ahaan kuwa loo nisbeeyo indheer’garadnimada kuwaasi oo inta badan Bulshada u didiya dhinaca baaska iyo balaayada

Hadii aan ku gudo dhacdo dulucda Mawduucan Boorama waxay ka mid ahayd magaaloyinkii taarikhada dheer kulahaa samaynta sal udhigista Somaliland waana goobtii lagu soo doortay Madaxwaynihii Dhidibka U adkeeyey Somaliland Ee Maxamed Ibraahim Cigaal Sanadkii 1993kii Shirkii Borama Ee Odayaasha Somaliland ka qaybgalayeen Wakhtigaasi si Ay Ugu soo doortaan Madaxwaynihii Bulshada hanan lahaa wakhtigaas

Kadib Waxaa Nasiib soo Baxay Madaxwayne Cigaal Alle Ha Unaxariistee ‘’

Waxaana Ku Xigeen loo doortay Daahir Riyaale Kaahin

Labadaasi Hogaamiye Ayye Maxakamada Dastuuriga Ahayd Udhaarisay Xilka Qaran Somaliland

Borama oo  lagu soo doortay Madaxwayne Cigaal Waxay noqotay Mucaaridka Kaliya Ee Dawlada Cigal sida Ba, an ugu soo hor jeestay iyadoo la ogyahay taariikhada ay ku taalo inay in ka badan sadex jeer calanka somaliya haayadaha laamaha dawlada ya sudheen Sida Xarunta Khayriyada Borama ,taasi waxy keentay inay Dawladii Cigaal ay siwayn Uga Cadhootay cigaalna oo Qaaday Talaabo Mileteri oo uu kaga jawaabayo hadalada iyo ficilada Macno Darada Ah Ee Reer Borama “

Waxaa Taasi ku Xigtay Inuu Madaxwayne Cigaal Geeriyooday 2002 ,Waxaa Taladii Dalka Gacanta Ku Dhigay Madaxwayne Riyaale oo Kuxigeenk U ahaa Madaxwaynaha Geeriyooday

Waxaa Mudo Sideed Sano ah Soo Hayey Majaraha Hogaanka Somaliland Madaxwayne Riyaale Kaahin Lagama Arag Wax Mucaaradad kaga Imanaysa Dhinaca Gobolka Awdal Balse waxaa Jiray Aftaag Iyo Gardaro Kaga Imanaysa Beelaha Ay walaalaha Yihiin Ee Ay Wada Dagaan Deegaanka Ceel Barde Ee Duleedka Borama oo Dhibaato Xoogani Ka dhalatay Wakhtigaasi

Taasi Waxaa Xigtay Inuu Madaxwayne Riyaale Doorsahadii Madaxwaynaha Somaliland Laga Helay 2010kii Uu ku guulaystay Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilayo oo kasoo Baxay Xisbiga Kulmiye ee uu hogaanka ka ahaa madaxwayne siilanyo mudo afar sano iyo badh ah ayaa kasoo wareegtay wakhtigii Riyaale Doorashada Lagu Muquuniyey

Hadaba waxaa ka bilaabay Gobolka Awdal ee Somaliland dhaqdhaqaaqyo aan hore loo arag oo ah caadooyin lagu yaqaanay deeganka iyo dadka dega oo ku jahaysan doonista shacabka inta xumi hogaamiso ee gobolkaasi awdal ,waxayna ku bilaabeen xukuumada Somaliland talaabooyin aan laga filaynayn marka la eego dhawaaqyada an caadiga ahayn ee kasoo baxaya deeganka boorama sida Awdal State , Kooxda Suldaan Warab Iyo Kuwo La Hal Maala ,

Hadaba Waxaa Is waydiin Muadan hadii aynu soo qaadano Kooxda Suldaan Warab Samaystay Maxay doonaysaa ? Maxaa Ka Maqan ?

Hadii uu suldaanka Danaystaha Ah Iyo Shacabku Is Raacaan Maxaa ka dhalan Kara, waxaa la og yahay hadii uu suldaanka ku Adkaysto Indho L, aanta uu bulshada kuwado ,dawladuna ka jawaabto Imisa Qof ayaa Borama Ku dhiman Kara ama ku dhaawacmi Kara, Maxaa Hanti Ku Burburi Karta

Ma Qiimaysay Borama Maxaa Ka Maqan

Waa Hogaanka Sare Ee Dalka M. Kuxigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici Labo Wasiir Afar Agaasime Iyo Saraakiil Hosaab Badan oo ka tirsan dhamaan Haayadaha Laamaha Dawlada Somaliland

ADAN MUUSE

Saxilnews.com Marna Kama Masuul Ah Fikirka Faalada Iyo Faaqidaada Bulshada **************************

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here