Magacyada Xildhibaanaddan la baafinayo ayaa waxa golaha ugu dambaysay fadhigii lagu meel mariyay Heshiiskii Xukuumaddu la gashay Shirkada Imaaraatiga ah ee DP-WORLD,Waxaanay qaarkood ka mid ahaayeen mudanayaashii sida weyn dabada uga riixayay Heshiiskaasi.
Qaar ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiiladda ayaa caado ka dhigtay inaanay ka soo xaadirin fadhiyada bilaa caanaha ah waxaanay arintaasi sababtay in mar qudha Xoghaya Golahaasi baafiyo in kabadan kala badh Tirada Xildhibaanada Golaha Wakiiladda oo lagu sheegay inaanay ka soo xaadirin Fadhiyidii u dambeeyay ee uu Golahaasi yeelanayay intii ka dambaysay Fadhiyadii Heshiiskaasi lagu ansixiyay.
Xildhibaanadda La Baafinayo ayaa u badan Mudanayaasha Muxaafidka ah ee Xukuumadda iyo Xisbi Xaakimka u ololeeya.