Saxilnews.com
DEG DEG :- WASIIRO IYO XILDHIBAANO KU DHAAWACMAY QARAX GOOR DHAWEYD KA DHACAY AFAAFKA HORE EE MADAXTOOYADA SOMALIYA + (SAWIRO).
August 30, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Moqdsho (SaxilNews):-  Qarax xoog leh ayaa goor dhoweyd ka dhacay meel ku dhow madaxtooyada Soomaaliya iyadoo qaraxaasna uu ka dhashay gaadhi waxyaalaha qarxa lagu soo xirey.

q

Warar dheeraad ayaa ka  soo baxaya qaraxaasi waxaana wararkaasi sheegayaan  in ay dhaawacyo ka soo gaadheen wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha wasaarada gaashaandhiga Maxamed Cali Xaggaa oo u waramayay laanta afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa sheegay in isaga iyo laba wasiir oo ka tirsan xukuumada Soomaaliya ay dhaawacyo fud fudud soo gaadheen.

q1

Sidoo kale wasiiru dowlaha ayaa sheegay in xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale ay dhaawacmeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in uu ka mid yahay wasiirada dhaawaca fudud soo gaadhay wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye balse si rasmi ah looma xaqiijin dhaawaca soo gaaray wasiir Maareeye

Dhaawacyada mas’uuliyiinta ayaa ah kuwo ka dhashay burburka hool ay ku jireen oo ay ka socotay munaasabad aan illaa iyo hadda la sheegin.

q2

Sidoo kale qaraxan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhaawacmay weriyaal ku sugnaa hotel SYL iyo sidoo kale dadweynihii kulankaas lagu casuumay.

Mas’uuliyada qaraxan ayaa waxaa sheegtay ururka Alshabaab oo dagaal kula jira dowlada federalka iyo ciidamada AMISOM.

q3

Qaraxan ayaa waxaa ku soo beegmay xilli ay dowlada Federalka shaacisay inay u diyaargarowday shirka madaxda dowladaha ku jira urur goboleedka IGAD oo bisha soo socota lagu qabanayo magaalada Muqdisho.

q4

Ilaysnews/Moqdisho Desk

COMMENTS
Latest News