Xayeysiis dhawaan ka baxay idaacadda Radhyow Hargaysa ayaa lagu sheegay inay tahay idaacaddii ugu horaysay ee Geeska Afrika ku hadasha Af-Soomaali. Markii aan maqlay ayaan la yaabay sida meel looga dhacay taariikhda idaacadda faca-weyn, ee ahayd tii adduunka ugu horaysay ee af-soomaali ku hadasha. Taasina waxay igu dhalisay inaan dib u soo foqo sooyaalka Radhyow Hargaysa, oo beri hore qoray. Waa tan tiiyoo sax ahi:
Idaacadda Radhyow Hargays, oo magaceedii hore ahaa Radhyow KUDU. Erayga KUDU waa goodirka. Waxay ahayd idaacaddii ugu horaysay ee af-soomali ku hadasha adduunka. Sannadkii 1941-kii ayaa la bilaabay tijaabadii ugu horaysay. Waxay socotay tijaabadaasi ilaa 1942-kii.
Waxa idaacadda si toos u maamulayey dawladdii ingiriiska oo wakhtigan ka talinaysay Somaliland. Sannadkii 1944-kii ayaa laga bedelay magacii Radhyow KUDU, waxaana laga dhigay Radhyow Hargaysa. Ninkii ugu horeeyey ee ka hadla idaacada Radhyow Hagaysa wuxuu ahaa Xaaji Cabdi Ayuub, waxaanu markii dambe noqday ninkii ugu ee ka hadla idaacadda BBC laanta af-soomaaliga, oo sannadkii 1957-kii. Wakhtigan oo ahayd markii la aas-aasay idaacadda BBC Somali.
Agaasime-Waaxeedyadii Soo Maray Radhyow Hargaysa
Magaca Muddada Xilka
· Xaaji Cabdi Ducaale (Cabdi AYuub)……1945……..1955
C/raxmaan Caabi Faarax………………1955……..1965
· Maxamed Xaashi Cabdi……………1965…………1968
· Mustafe Xaaji Nuur…………………..1968…………1973
· Axmed Faarax Kaahin……………….1973……..1976
· C/kariim Xaaji Ducaale……………..1976…….1979
· Idiris Cigaal Nuur……………………1979……..1982
· Cali Sh. Axmed Caraale…………….1982……1984
· Xasan Cali Kuuriye…………………1984………1990
· Ibraahin shiine…………………… June 1991…..Nov 1991
· Xuseen C/laahi Deeqsi……………Dec 1991……1992
· Rashiid Cismaan (Rashiid-Lugay)……1992……1993
· Maxamed-Siciid Muxumed…………1994…..1996
· Siciid Adan Cige……………………1997……2002
· Maxamed-siciid Muxumed………2002…….2011
· Siciid Adan Cige…………………2011……2014
Maxamed-Siciid Muxumed………….2015……..
F.G: Agaasme-waaxeed, madaxa idaacada iyo isu-duwaha idaacada ayaa loogu yeedhi jiray qofkii madax ka noqda idaacada.
Cali cabdi coomay
Suxufi, qoraa ah.
B.A in Journalism
Hargaysa, somaliland
calicoomay@hotmail.com
Tix-Raac:
British protectorate media office………………unpublished paper
Wasaaradii Waxbarashada Soomaaliya……………keyd
Xuseen C/laahi Deeqsi………………………………..Waraysi
Siciid Aadan Cige…………………………..Waraysi