Saxilnews.com
Hoobalkii, Horseedkii, Higsigii Hayaanka Faneed Marxuum Maxamed Axmed Kuluc(1939kii–2015ka), Qormadii 4aad, Qalinkii Muj.Boobe Yuusuf Ducaale.
January 27, 2015 - Written by admin

Mar aan weydiiyay heesta uu heesihiisa ugu jecel yahay, wuxu iigu jawaabay:
“Heesahayga hadba heestii iigu danbaysa ayaan ugu jecelahay, sida hadba carruurta ka uugu dambeeya loo jecel yahay.”
Maxamed Axmed Kuluc, 11/12/2005tii, Hargeysa
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
Hargeysa, 21/1/2015ka,
Qormada: 4aad
Maxamed Axmed Kuluc in kasta oo uu ahaa fannaan ka mid ah fannaaniinta Soomaaliyeed, haddana wuxu qaar badan oo la mid ah kaga duwanaa xidhiidhkii ballaadhnaa ee faraqyada badan lahaa ee ka dhexeeyay isaga iyo qaybo badan oo bulshada ka mid ahaa. Da’da uu ahaa, waayo-aragnimadiisii hodanka ahayd, dabeecaddiisii wanaagsanayd ee u saamaxday dad-la-socodka iyo xidhiidhadiisii faraha badnaa ayaa ka dhigay qof bulshadu u wada furan tahay oo aan meelna ku qaloon.

Maxamed Axmed wuxu ku bilaabay heesaa qaybo badan ka qaaday Qaraamigii ama Heellooyinkii. Wuxu ka mid ahaa aasaasayaashii ugu horreeyay ee ballaysimay Kooxdii Walaalo Hargeysa ee bud-dhigga u ahayd fanka Soomaaliyeed curashadiisii, barbaarintiisii iyo faafintiisiiba. Maxamed Axmed wuxu ka mid ahaa da’dii ku soo ag koortay macallinkii Qaraamka, miyuusigyahankii, heesaagii iyo soo-saarihii Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi oo loo yaqaannay Cabdillaahi Qarshe.

Maalintaa aan maalmahaba iigu jirin ee aanu wada fadhinay gurigayga Maxamed Axmed Kuluc, waxa isaguna na whelinayay nin Jarmal ah oo aanu saaxiibbo ahayn isla markaana wada shaqayn jirnay oo la yidhaahdo Ulf Terlinden. Maxamed Axmed wuxu maalintaa ka muddakarooday aqoontii uu u lahaa Cabdillaahi Qarshe gaar ahaan curintiisii alxaanta. Sidii uu hore iigu sheegay maalin aan wareystay Xaaji Gujis, ayuu Maxamed Axmed ka markhaati-kacay.

Cabdillaahi Qarshe riyo aad u fog ayuu Fanka ka lahaa oo aanay la wadaagin fannaaniinta intooda badani. Wuxu ku riyoon jiray in uu fanka Soomaaliyeed gaadhsiiyo heerka uu markaa taagnaa ka carbeed. Beryahaa fanku bilaabmayay gaar ahaan Heellooyinkii Cabdillaahi Qarshe keli ayuu ku ahaa laxan-curinta in kasta oo waayadii dambe si aan sidaa u sii ballaadhnayn loola wadaagay. Marka aynu Qaraamigii ama Heelloyinkiiba isku koobno waxa kale oo aynu soo qaadan karaynaa ragga ay ka midka yihiin ama ay ka midka ahaayeenba: Halac, Gu’-roon-jire, Saxardiid, Xudeydi iyo qaar kaloo badanba waa halkii Maxamed Mooge e’, Ilaahayna naxariistii Janno ha ka waraabiyo.

Laxan-curintu Cabdillaahi Qarsheu waqti ayay ku qaadan jirtay: Toddobaad ilaa saddex toddobaad ayuu codkiiba ku qaadan jiray. Sidaa uu u sheegay Maxaed Axmed si la mid ah ayuu Xaaji Gujisna iigu sheegay. Xaaji Gujis wuxu tusaale u soo qaatay maalmihii Cabdillaahi Qarshe laxanka u samaynayay Heellada Isku-shuban oo qaadatay saddex toddobaad.

Maxamed Axmed Kuluc kama uu fogayn inta badan Cabdillaahi Qarshe oo gacantiisa midig ayuu ahaa. Sidaa darteed ayuu Cabdillaahi Qarshe alxaanta iyo codadka uu curiyo ugu jitaabin jiray Maxamed Axmed. Heellooyinka uu Cabdillaahi gaarka u qaadi jiray waxa ka mid ahaa: Caweys iyo Gargaar oo Xuseen Aw Faarax laha kuna jiray Riwaayaddii Isa-seeg. Heelladii Masallaha iyo kuwa dhaadheer oo dhanna Cabdillaahi ayaa qaadi jiray, fannaaniinta kalena waa ay u jiibin jirtay.

Masallaha: Waxay ahayd Heello uu iska lahaa curinteeda iyo muusiggeedaba Cabdillaahi Qarshe oo uu isagu ku qaadi jiray, fannaaniinta kalena u jiibin jireen oo lagu soo marayay magaalooyin badan oo Geeska Afrika ka tirsan. Waxay ahayd 1958kii, waxaana midhaheedii ka mid ahaa:

“Masallahan hawl yaraan mushaaxaayoow,
Muqdishaa mudane I soo mariyoo,

Jabuuti markaad dul joogtana,
Jacaylkooda waan jibboodaa,”

Waxay u dhigmaysay “Busaada Riixii” Carabiga ahaa,

Maxamed Axmed wuxu maalintaa ii sheegay in in kasta oo laga yaabo in fanka Daantaa loo tiriyo, haddana xaqiiqadu waxay ahayd in aanay Daantaa ku dhuuman kari jirin bal se ay Daantan ku dhuuman kari jireen. Wuxu ku lallabayay oo uu ii sheegay in aanu illoobi karayn nin hudheel ku lahaan jiray meel Dukaankii Jirde Xuseen (Telesom-ta suuqa dhexe) ka soo hor-jeedday oo naanays aanu markaa xusuusnayn lahaa. Waxaan filayaa in ninkaas la odhan jiray Dhidar waxaanu lahaa hudheel laga cunteeyo oo laba albaab lahaan jiray: mid koonfur ah iyo mid woqooyi ah. Waxa kale oo aan filayaa in uu ahaa hudheelkii uu ka shaqayn jiray Saxardiid Maxamed oo Jebiye loo yaqaan, halkaas oo uu fanka kaga soo biiray.

Ereygaa Daantaa waxay ahayd mar labaadkii aan ka maqlo sooyaalka fannaniinta. Waxa kale oo aan xusuustaa oo ahayd markii iigu horraysay ee aan ereygaa maqlo 1993kii, mar aan taariikhdiisii faneed ka duubi jiray Xuseen Jaamac Rooble oo loo yaqaannay Xaaji Gujis. Berigaas ayuu dhowr Xaaji Gujis ku soo cel-celiyay weedha ah: “Intii aanu fanku soo tallaabin.” Marka aad weydiisana wuxu odhan jiray intii aanu Daantan iman. Waa kaftankii xariirta ahaa ee fannaaniinta ee ma aha kaftan-ku-sheeggan naxliga iyo nacaybka cokan ee maanta jira ee qof dan lihi dadka ku kala qoqobayo.

Marka Heellooyinka laga leexdo ee xagga Heesaha loo baydho Maxamed Axmed wuxu aamminsanaa in Axmed Muxumed Good “Shinbir”, uu bilaabay ama ballaysimayba Heesaha. Waxa laga yaabaa in ay dadka qaarkii ama badankkisaba ay isugu mid yihiin Heellooyinka iyo Heesuhu, xaqiiqadu se waxay tahay in ay aad u kala duwan yihiin.
Si kooban aynu isugu deyno in aynu kala saarno ama kala qeexno Heello iyo Hees. Heellooyinku dhisme ahaan ama bad ahaanba dhammaantood waa Dhaanto. Heellooyinka magaca waxa la siiyaa Codka ama laxanka. Midhaha Heelladu cod kasta waa ay geli karaan, waana sirta Qaraamka ee qiimaha iyo qaayahaba u yeeshaay Cabdillaahi Qarshe.

Heesuhu, dhisme ahaan ama bad ahaanba waa badaha oo dhan. Magaca waxa la siiyaa midhaha ee sida Heellooyinka codka lama siiyo. Sida Heellooyinka ma aha ee iyaga Hees walba sideeda ayaa loo qaadaa oo sida heellooyinka midhuhu mid walba ma galana. Heellooyinku waxay waxay bilaabmeen kontameeyadii ilaa 1962kiina waa ay joogsadeen oo dib dambe looma curin. Wixii ka dambeeyay xilligaas oo dhami waa Hees, waana kuwaa ilaa manta socda.

Maxamed Axmed wuxu ahaa nin xarrago badan oo dhar-xidhasho fiican. Xarragadiisu dharka iyo socodkaba waa ay ka muuqatay isaga oo sida dibida xataa mararka qaarkood madaxa ka xarragoon jiray. Wuxu ahaa qof farxaan ah oo weji furan oo inta badan qosli jiray ama ilko-caddayn jiray xataa mararka uu heesayo ama riwaayadaha jilayaba. Gadhka lama bixin jirin. Shaarubaha wax yar oo labada dul ku beegan ayuu la hadhi jiray sida rag ay ka mid ahaayeen: Cadiraxmaan Tuur, Jeneraal Liqliqato iyo qaar kaleba. Aad ayuu u kaftan badnaa. Maalin aanu Xamar wada soconnay oo aan gaadhiga waday ayuu gabadh la kaftamay. Waddadii Madaxtooyada ayaanu xagga Siinay uga baxnay annaga oo rabnay in aanu xaggaa Hodan u kacno. Gabadh qurux badnayd oo xarrago la tiicaysay ayaa naga soo hor baxday. Maxamed Axmed ayaa qoorta la yar baxay oo ku yidhi: “Waah…Waah Waxaasaa jacayl ah.” Hadalkii inta ay dhibsatay ayay na maagtay. Gaadhigii inta aan joojiyay ayaan u degay oo ku idhi: “Ha naga cadhoon ninka hadalka ku yidhi waa Maxamed Axmed e’.” Inta ay nagu soo noqotay ayay Maxamed Axmed labadiisa dhaban labadeedii gacmood saartay oo ay sidii wax dhunkanaya ‘mu’ tidhi, waxaanay raacisay: “Abboowe macaan raalli ahaw, adiga kuma moodayn.”

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

COMMENTS
Latest News