War Deg-Deg Ah: Madaxweyne Siilaanyo Oo Saaka tagay Xarunta Golaha Dhexe Ee KULMIYE

0
19
Hargeysa (SAXILNEWS)_Madaxweyne Siilaanyo iyo xubno ka mid ah xukuumadiisa, ayaa saaka tagey xarunta golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, halkaasi oo ay ka socoto qaadashada kaadhka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE.
Madaxweynaha ayaa waxaa ku weheliya bookhashadan afadiisa Aamina-Weris, iyo xubne  kale oo katirsan xukuumaddiisa, waxaana la sheegay inay halkaasi saaka u tageen qaatashada kaadhka golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE.
12196239_1661975774080890_992725914396044101_n
Madaxweyne Siilaanyo ayaa  la filayaa inuu  halkaasi ka hadli,doono, waxaana loo dhegtaagayaa inuu madaxweyne Silaanyo  shaacin doono musharaxnimadiisa Xisbiga KULMIYE Iyo inuu ku dhawaaqi doono  inuu ka tanaasulay musharaxnimada KULMIYE.
12193523_1661975860747548_1757580653258355292_n
Dhinaca kale waxa magaalada Hargeysa dhex gaaf-wareegaya tan iyo habaan hore ciidamo kala duwan, kuwaas wata gaadiid kala duwan ee ciidamada booliska iyo qaranka .
MAXAMED ILKACASE
HARGEISA OFFICE 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here