Cudur sababay in dad Tuulo ku nooli maalmo hurdaan

0
27

Kalachi (SIR)- Dadweyne ku dhaqan tuulada Kalchi ee waqooyiga dalka Kazakhstan ayaa la sheegay in uu haleelay xanuun keenay in dadkii ku noolaa tuuladaasi ay maalmo hurdeen, halka caruurtu na uu ku dhacay gariir iyo in aanay kici Karin.

Sida lagu sheegay warbixin lagu baahiyay wargeyska The Mirror, isla markaana ay idiin soo turjumeen bahda Somali Investigative Reports (SIR), tuuladan waxa haleelay xanuun noociisa aan la aqoonsan in muddo ah, kaas oo keenay in ay maalmo hurdaan oo aanay toosin. Hase ahaatee, baadhis ay ku sameeyeen kooxo khabiirro ahi ayaa lagu ogaaday inay dadkan maskaxda ka furmaan biyo, taasina ay tahay ka keenaysa hurdada iyo jiifka aan nuuxsiga lahayn. Mr Egor Korovin oo ah dhakhtar caafimaad, isla markaana baadhis ku sameeyay qaar ka mid ah bukaanka tuuladaas ayaa sheegay ‘In xanuunka haleelay tuuladan la yidhaahdo encephalopathy, kaas oo ah xanuun saameeya hab-shaqada maskaxda dadka” waxaanu sheegay in uu sababay hubka Nukliyeerku. “Waxa baadhistu xaqiijisay in dadkan ay maskaxda biyo kaga furmeen,” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, Prof. Leonid Rikhvanov oo wax ka dhiga qaybta cilmiga sayniska ee jaamacadda Toms Polytechnic, ayaa sheegay in ay cidhib-tir ku sameeyeen caabuqii uu keenay cudurkaasi, balse, “Waxa kale oo aannu ogaanay natiijo ah in cudurkan uu keenay fallaadhaha nukliyeerka ee Radon Gas loo yaqaanno,” ayuu yidhi. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxaanuse waynay caddayn muujinaysa in sun iyo walxaha sumaysan lagu aasay deegaankan, siday ku doodayaan dadka deegaanku.”

Igor Samusenso oo ah 43 ku nool deegaankaas, ayaa sheegay in wiil uu dhalay uu ku dhacay xanuunkani, “Wuu meeraysanayaa, marka dambena wuxuu bilaabayaa in uu jidhku gariiro. Marka uu madaxa kor u qaado, indhihiisu way joojinayaan dhaqdhaqaaqa sidii uu meel ku dhaygagsan yahay, marka aad isku daydo in aad toosiso na, indhaha ma dhaqaajin karayo,” ayuu yidhi.

Lyubov Belkova oo ah 60 jir ayaa sheegtay in ay ka mid ahayd dadkii ugu horreeyay ee xanuunkani haleelay, “Dadku waxay noogu yeedhaan dooxadii hurdada ama haradii hurdada,” ayay tidhi.

Deegaankan oo ah deegaan ka ag-dhaw meelihii lagu aasi jiray hadhaaga hubka nukliyeerka ee wakhtigii midowga Soofiyeeti dhisnaa, ayuu Porf Riknvanove sheegay in walxahaas suntan ah lagaga tegay bannaanka, dabadeed ay biyuhu soo qaadeen, isla markaana ay sababto cudurkan. “Qofku wuxuu gelayaa marxalad in uu riyoonayo oo kale ah, marka dambe na wuu seexanayaa,” ayuu yidhi Prof Rikhvanov. Warbixinta ay jaamacaddu ay soo saartay ee bahda Somali Investigative Reports (SIR) idiin soo turjumeen, ayaa lagu sheegay in tuuladan oo ay ku nool yihiin 600 oo qof, uu shantii qof ba hal qof ku dhacay cudurkani. Cudurkan oo keenaya in aanu qofku istaagi Karin, seexanayo hurdo dheer oo maalmo gaadha, isla markaana wax yeelaya xasuusta dadka, ayay masuuliyiinta dalkaasi sheegeen in laga rarayo tuulada dhan deegaankaas, lana geynayo deegaan kale oo dib-u-dejin loo samaynayo.

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here