Wasiir Xirsi oo saxilnews.com U Xaqiijiyey Is-Casilaadiisa Iyo Nuxurka Qoraal Uu Ku Faah-faahinayo Is-casilaadiisa barta internetka

0
20
Hargeysa (SAXILNEWS)_Wasiirkii wasaarada Madaxtooyada somaliland Md: Xirsi Xaaji Cali xasan oo aanu goor-dhaweyd khadka telefoonka Kula xidhiidhnay noona suurto gashay ayaa Shabakada Saxilnews.com u xaqiijiyey inuu gebi ahaaba iska casilay xilkii uu ka hayey Xukuumadda Siilaanyo.
Dhanka kalena wasiir Xirsi ayaa qoraal kooban oo uu kaga haddlayo is-casilaadiisa soo dhiga Bogga Face-buuga uu ku leeyahay waxaanu u dhignaa sidan:-

XIL KA TAGIS…

Xilka ayey xeerkiisa tahay in aad si xilkasnimo leh u gudato waajibaadkiisa una hagar baxdo u adeegida danaha qaranka.

Waxaan ku qancay in aan si rasmi ah isaga casilo shaqadii aan qaranka u hayey ee Wasaarada Madaxtooyada JSL muddadii shanta sano iyo dheeraadka ahayd.

Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha JSL, hogaanka Xisbiga Kulmiye, hawladeenada Wasaarada Madaxtooyada iyo guud ahaanba cid kasta oo aan soo wada shaqaynay mudadii aan xilka hayey.

Alla Mahad leh

Wa Bilaahi Tawfiiq

 

 

hargeisa office

BERBERA2002@GMAIL.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here