Qoyska Madaxtooyada Oo Xalay Wasiirada Bariga Burco Shir Doceed Ugu Qabtay Madaxtooyada + Goob-joogii Siilaanyo + Kaanbaynkii Aamina Waris + Keni Adaygii Wasiir Xirsi

0
20
Hargeysa (SAXILNEWS)_Wararka naga soo gaadhaya qasriga looga arimiyo dalka ayaa sheegaya inay qoyska madaxtooyada habeenkii xalay ahaa isugu yeedheen badi wasiirada beesha bariga Burco ugu jira xukuumadda Siilaanyo, halkaas oo uu ka qabsoomay shir doceed lagaga hadleyey loollanka Musharaxnimada KULMIYE iyo doorka beesha bariga Burco.
Xogaha ay Shabakada Saxilnews.com ka helayso kulankaasi ayaa tibaaxaya inuu Madaxweyne Siilaanyo iyo marwadiisa Aamin Waris ay guddoominayeen iyadoo ay xusid mudantahay inay ka soo xaadireen labada wiil ee uu siilaanyo sodoga u yahay Baashe Morgan iyo Muuse Xasan ( kur-wadaadleh) Iyo wasiirka Madaxtooyada somaliland Xirsi X. Cali Xasan, wasiirka dib u dejinta Cali Siciid Ragal, Wasiirka Macdanta Xuseen (Waji-xun) iyo wasiirka duulista Maxamuud Xaashi.
Ugu horeyn waxa halkaasi ka haddlay Madaxweyne Siilaanyo isagoo sheegay in loo baahanyahay in wasiirada Beeshu ay taageeradooda meel wada mariyaan ee aanay  kala biiqin,isla markaan wuxuu  siilaanyo ugu baaqay wasiirada beeshiisa  inay ka dheeradaan ka dhex muuqashada  munsabadaha ay musharaxiinta ku hirdamaya musharaxnimada madaxweyne ee KULMIYE qabsanayaan.
Doodii Marwo Aamina Waris Iyo Diidamadii Wasiir Xirsi
Amina Waris oo halkaasi ka haddashay ayaa ku dooday in loo baahanyahay inay wasiirada Beesha bariga Burco ay taagero u muujiyaan Musharaxa Muuse Biixi, balse wasiirka madaxtooyada ayaa ku dooday in aan loobaahnayn inay wakhtiga ay wasiiradu beeshu tageeraan Muuse Biixi, isagoo sheegay inay danta Xisbiga KULMIYE ay ku jirto in la tageero musharax Maxamed Biixi Yoonis, dhinaca kale wasiiraka duulista ayaa dhawaqa marwad soo dhaweeyey isagoo ku qaabilay how-raarsan marwo iyo marxaba oo keliya .
Dhanka kene shirkan oo ahaa mid saacado badan qaatay ayaanay ka soo bixin wax natiijo ah, iyadoo la soo warinayo in kulan dabe loo balmay, kaasoo aan la ogayn wakhtiga uu dhicidoono.
Si kastaba ha-ahaatee shirkan ayaa ku soo dhammaaday fashil, iyadoo ay xusid mudantahay inay xubnaha meesha isugu yimi ay kala siteen aragtiyo kala duwan  taas oo ay ku-kala taageersanyihiin labada musharax ee ugu cad-cad loollanka musharaxnimada KULMIYE Muuse bixii Iyo wasiir Maxamed Bixii Yoonis.

BERBERA2002@GMAIL.COM

 

OFFICE HARGEISA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here