Ilma Biixi, Samaale Iyo Kijaandhe, Sida Loo Kala Guulaysan Karo,Dhexnimadda Madaxweynaha Iyo Saamaynta Marwaddiisa Ee Doorashada

0
22

Hargeysa (SAXILNEWS)_Murashixiinta ku loollamaysa xisbiga Kulmiye dhexdiisa ayaa weli sii wadda kaambaynaddoodii ay ku kala jiidanayeen codadka golaha dhexe ee xisbiga oo tiraddiisu gaadhayso ilaa afar boqol oo xubnood, isla markaana waxa korodhay tiradda murashixiinta jagadda madaxweyne xigeenka u tartamaysa. Dadka loollanka murashixiinta kulmiye faalleeya, ishana ku haya siday wax u socdaan ayaa rumaysan, in haddii aanay isu tanaasulin murashixiinta isbahaysiga ee Maxamed Biixi, Cabdicasiis Samaale iyo Axmed Kijaandhe ay suuragal noqon karto inuu guulaysto Muuse Biixi. Haddii ay isu tanaasulaan oo ay sadexdoodu mid u daystaanna ay dhici karto in laga guulaysto Gudoomiyaha oo ay guushu u dhacdo dhanka murashaxa ay u tanaasulaan. Hase ahaatee Ilaa hadda lama sheegin inay isu tanaasuleen, waxse la saadaalinayaa in isbedel dhici karo ka hor madasha iyo madashaba. Waxa kale oo la filan karraa in wax isu bedelaan si aan hadda la malaysanayn. Waayo, waxa la tuhunsanyay inay jiraan dahsoonayaal saamayntooda yeelan karra, oo haatan gabal daye ama jirjiroole aan ku talagalka ku jirin ka dhigan. Jagadda murashaxa madaxweyne xigeenka ayaa iyana u muuqata mid loollan xoog lihi ka taagan yahay. Ilaa lix murashax ayaa in dhawaaqday iyo in aan weli is shaacininba la hadal hayaa inay u taagan yihiin tartanka jagadda madaxweyne ku xigeenka. Shan ka mid ah ayaa ka soo jeedda gobolka Awdal, midna wuxuu ka soo jeeddaa gobolka Buuhoodle. Xogaha la xidhiidha dhaqdhaqaaqyada socda ayaa tusmeeyay in ilaa hadda la og yahay murashax ku xigeenka Muuse Biixi oo ah Cabdiraxmaan Saylici, laakiin murashixiinta ee madaxweynaha aan weli la ogayn ku xigeennaddooda. Murashax Xaglatoosiye ayaa isagu markuu dhawaaqayba sheegay in aanuu cid ku daba qorayn, halka murashixiinta kale ee saxaafadu faafisay ee kala ah, Cabdiraxmaan Aw Cali, Wasiirka waxbarshada Prof. Geeddoole, wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Abgaal iyo Xoghayaha guud ee Guurtida Cabdillaahi Dheere, lagu wado midkood inuu murashax ku xigeen u noqdo Maxamed Biixi. Cabdiraxmaan Aw Cali kumuu dhawaaqin inuu murashax yahay, hase ahaatee magaciisa ayaa warbaahinta qaar faafiyeen, haddii taasi run noqoto oo uu ku xigeen u noqdo Maxamed Biixina waxa loo arkaa, inuu culayskiisa yeelan doono, isla markaana iskaashigaa khibradaha gudaha iyo dibadu uu macne wayn yeelan karo. Dhanka kale kaambaynka murashixiinta ayaa marba marka ka dambaysa hinqashadiisu kordhaysaa, isla markaana Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan oo la tilmaamay inuu dhisayo murashax Maxamed Biixi, ayaa la sheegayaa inuu markuu soo laabtayba qaaday ollole uu ka dhex wado xubnaha golaha dhexe ee beeshiisa iyo xubnaha beelaha kaleba. Siddaa si la mid ah ayaa dhinacyadda kalena hawlgaladoodu u socdaan, dhamaan galaangalka kala jiidashada xubnaha golaha dhexena waxay xog ogaalku tilmaameen, inay u socdaan si hoose oo isu furashada jeebabku saamayn wayn ku leedahay. Inkastoo qolo kastaba dacaayaddoodu guul werinayso, misana si cad midna guusha looguma tirin karro amintan, sababtoo ah weli may dhamaan maalmihii isbedbedelka maanku, waxaana laga yaabaa dhinac waliba cid uu tirsaday inay u wareegto dhan kale. Waxse faalleeyayaashu saadaalinayaan, in doorashadani u eg tahay mid adag, oo tiradda lagu kala badiyaa ay yaraan doonto. Gudoomiye Muuse Biixi ayaa gaar u haysta 23 cod oo isagu soo magacaabayo, halka madaxweynuhuna ka haysto 10 cod oo uu isagu soo magacaabayo, madaxweyne xigeenka Saylicina ka haysto 6 xubnood oo isaga u gaar ah. 10 ka xubnood ee madaxweynaha mooyee, 29 ka kale ee murashax Muuse Biixi iyo murashax ku xigeenkiisa Saylici ayaa ah coddad ay toos u helayaan labaddoodu. Madaxtooyadda ayaa ilaa hadda iibinaysa inay dhex ka tahay loollanka muarshixiinta, Afhayeenka madaxweynuhu warkii ugu dambeeyay ee soo saarayna wuxuu ku sheegay, madaxweynuhu in aanuu kala raacsanayn murashixiinta. Hase ahaatee Afadda Madaxweynaha Marwo Aamina Weris ayaa shabakadaha wararka qaar tilmaameen inay taageerayso mid ka mid ah murashixiinta, isla markaana warar aan la xaqiijin ayaa tibaaxay in iyadda iyo wiil ay Sodoh u tahayba la filayo in lagu soo daro xubnaha golaha dhexe ee coddaynaya. Laakiin ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya jiritaanka warkaa.

 

 

SAXILNEWS005@GMAIL.COM

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here