sool & sanaag (SAXILNEWS)_Magaalooyinka Ceerigaabo iyo Laascaanood, ayaa la dareemay soo dhawaynta musharaxnimada madaxweyne xigeenka ee Kulmiye Mudane Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye.
Dadweynaha ayaa soo dhaweeyay musharaxnimadiisa, iyagoo ku sababeeyay in xilalka qaranka ugu sareeya ay ka mid noqdaan bulshada bariga dalku.
Wasiirka caafimaadka Somaliland Xaglotoosiye oo maalintii Daraad Hargeysa kaga dhawaaqay inuu yahay musharaxa madaxweyne Ku xigeenka Kulmiye. Waxaana magaalada Laascaanood ee xarunta Sool laga dareemayaa Qabanqaabada munaasibado lagu taageerayo musharaxnimadiisa.
Wasiir Xaglotoosiye ayaa Daraad sheegay inuu rajo weyn ku qabo sidii uu ugu guulaysan lahaa jagadaasi, waxaanu bulshada Somaliland ugu baaqay in cidii la doono laga dhigo madaxweynaha balse jagada madaxweynaha isaga
Dadweyne ku nool magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka sanaag oo Makarafoonka aan la dhexmaray ayaa badiba soo dhaweeyay musharaxnimada Xaglotoosiye oo ay ku tilmaameen inuu yahay shakhsi u qalma jagada uu hiigsanayo.
Isku Soo Wad Duboo Waxa Shalay Si weyn looga dareemaayay Magaalooyinka Ceerigaabo iyo Laascanood Dhaqdhaqaaqa lugu Tageeraayo Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbiga Kulmiye Dr Salebaan Ciise Axmed Xaglotosiye.
Maxamed ilkacase
office ceergaabo
berbera2002@gmail.com