War Deg-deg Ah”Ciidamada Booliska Berbera Iyo Kuwo RRU Ah Oo Degmada Qoyta Kasoo Qafaashay Afar Nin oo Isugu JIra Mujaahidiin, Ganacsato Iyo Dhakhaatiir Reer Berbera Ah

0
25

Berbera (Saxilnews.com)-Jawiga Magaalada Berbera ayaa ilaa maanta galinkii dambe Galey Xaalada kale guur ah oo aan Jawigeedu deganeyn,Ciidamada Booliiska iyo kuwo milatari ah oo ah xoojin, ayaa heegan buuxa la galiyey,waxaan laamiyada iyo shaaricyada magaalada Berbera gaaf wareegaya Cutubyo katirsan Ciidamadaasi, dadka ku dhaqan magaladaasi ayaa noqday kuwo ka yaayuulsan Xaaladan kusoo korodhay,

Xaaladan Amni ee isbedashay ayaa Sabab u ah kadib markii maanta ay Xukumadu ay si qarsoodi ah Haamaha Shidaalka Berbera ugu Wareejisay Shirkadaha Macaash doonka ah ee  Mudooyinkii u danbeyey,u xusul duubnaa inay Gacanta ku dhigaan Gacan ku haynta Keydka Shidaalka Berbera,taasi oo keentay inay dadka Reer berbera ay ka Biyo diidaan .

Waxaana wararka nasoo gaadhaya ay sheegayaan in Goor dhaweyd Kantaroolka Tuulada Qoyta ee Duleedka Burco laga soo qabtey Afar nin oo isugu jira Ganacsato iyo Dhakhatiir,kuwaas oo saarnaa gaadhi marayey jidkaasi isku xidha Berbera iyo Burco,kuna sii jeeday Magaalada Burco, waxana wararka shabakada Mandheeranews ay ka helayso Degaanka Sheekh, ay tibaxayaan in Afartaasi nin ee ay ciidamada Booliisku ay ka soo qabteen Kantaroolka Qoyta ay ku socdeen Burco, islamarkaasina aaney Wax  Dambi ah galin, waxaana Afartaasi nin oo ka soo jeeda Degaanka Gobolka Saaxil hadda lagu hayaa Kontoroolka Hudisa,halkaasi oo Ciidamadii Burco kasoo kaxeeyey ay ku Wareejin doonaan ciidamo Berbera kasoo baxay.

Afartan nin ee laga soo qabtey kantaroolka qoyta ayaa Magacyadoodu kale yihiin

1. C.risaaq Dubad Dhagoole (Ganacsade)

2. Dr. aden Cabdikariim Xaaji yuusuf

3. Cismaan C/laahi ismaciil oo ku magac dheer (qarayare)

4. Maxamed Jaamac Muuse (Madaxyar)

ninkan afraad oo ah  Darawalki wadey Baabuurkii ay saarnayeen nimankani ay Booliisku ka soo qafasheen Wadda Burco ayaa waxa hadda lagu soo wadaa Xabsiga Magaalada Berbera,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here