Liiska Deymaha lagu leeyahay Haamaha shidaalka Berbera ee Maareeyihii hore wareejiyey+Cidaha deymanka leh & Meelaha deymanku ku baxeen

0
13

Berbera (Saxilnews.com)-Waxaa tan iyo saaka cakiran xaalada Haamaha Shidaalka & Magaalada Berbera ka dib markii la xaqiijiyey wareejinta Haamaha keydka Shidaalka,waxaa shaqo joojin sameeyay Shaqaalihii Haamaha shidaalka,waxaa kaloo hakad galay gebi ahaanba hawshii dhaaaminta Booyadaha shidaalka ee magaalooyinka kale shidaalka geyn jiray.

Ku darsoo waxaa isku soo shubay Xarunta Haamaha shidaalka  dadkii iyo shirkadihi deymaha kala duwan ku lahaa si lacgtooda meel loogu saaro ama loo calaamdiyo ciday u raaci lahaayeen.

Taas ka sakow warar rasmiya oo Warfidiyeenka Qarannews loo soo dusiyey ayaa tibaxaya in Maareeyihii xilka lagala wareegay Sheekh Saleebaan Siciid Cali  wareejiyey deyn dhan $2.600.000 (Laba malyuun & Lix boqol oo kun oo Dollar).

Deynkaas la wareejiyey ayaa kala ah  $1.400.000 oo Haamaha dayactir loo siiyey oo laga amaahdey Salaama bank, $400.000 oo ah lacag  Tigidho iyo Sahay safar Madaxweyne Siilanyo ,Baashe Moragan & Qoyska Madaxtooyada, Lacag lagu qiyaasey $400.000  oo ay leeyihiin Shirkadaha shidaalka ,$190.000 oo uu leeyahay Baanka Berbera & inta kale oo ah deyman ay leeyihiin Ganacsatada caadiga ah ee Reer Berbera.

Isku soo wada duuboo kala-wareejinta Haamaha Shidaalka ayaa ka istaadhey magaalada berbera Buuq iyo sawaxan hadda taagan oo la sadaalin Karin wuxu ku danben doono & Goortu dhamaan doono inkastoo Haamaha lagu daabulay Ciidamo milateriya oo aad u hubasyan si ay amniga haamaha u sugaan.

 

xilwareejintii haamaha shidaalka berbera

 

Xigash Qaran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here