WASIIRKA GANACSIGA SOMALILAND OO KA HADLAY WAREEJINTA ARRINTA HAAMAHA KEYDKA SHIDAALKA IYO GO’AANKA WAKIILADA

0
22

Hargeisa (Saxilnews)-Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland Muuse Qaasim Cumar ayaa ka hadlay go’aankii golaha wakiilada Somaliland maanta ay ka gaadheen wareejinta la sheegay in lagu wareejinaayo shaqsiyaad gaar ah.

Wasiirka ayaa arrintaas meesha ka saaray, waxaanu tilmaamay in aanu jirin qoraal ka soo baxay xukuumada Somaliland o sheegaya in cid gaar ah lagu wareejinaayo haama shidaalka.

Wasiirka iyo masuuliyiinta keydka haama shiidaalka oo warbaahinta kula hadlay xafiiska wasaaradda ganacsiga ayaa faahfaahiyey qorshaha haama keydka shidaalka. Waxaanay warbaahinta u akhriyey war murtiyeedka ay soo saareen, kaas oo u dhignaa sidan:-

008
XAFIISKA WASIIRKA

War murtiyeed ku saabsan arrinta haamaha kaydka shidaalka Berbera.

Wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ahi waa wasaaradda u xilsaaran qaranka jamhuuriyada Somaliland maamulka guud ee haamaha kaydka shidaalka Berbera, waxa ay gali kartaa heshiisyo ganacsi iyo maalgashi iyada oo ka wakiil ah xukuumada JSL, arrintaasna waxa u baneeyey distoorka jamhuuriyada Somaliland, ma jiro heshiis ku saabsan haamaha kaydka shidaalka oo aanu u gudbinay xukuumada, madaxweynuhuna u gudbiyey golaha wakiilada,

Sidaas darted la garan maayo waxa ay laaleen golaha wakiilada JSL, xaqna uma laha inay ka hadlaan, ka doodaan ama yidhaahdaan qaraar ayaanu ka soo saarnay, heshiish aanay u soo gudbin xukuumada JSL, iyaga oo ku shaqaynaya warar ku tidhi ku teen ah. Talaabadan ay maanta qaadeen waa mid khilaafsan shuruucda dalka iyo dastuurka JSL.

Talaabadana waxaa ka danbeeya qaar ka mid ah asxaabta siyaasada kumana haboona in horumarinta mashriicada qaranka la isku hortaago oo lagu caqadeeyo dano siyaasadeed oo gaaban.

Xukuumada JSL waxaa ka go’an inay dadaal walba u gasho sidii bulshadana loo horumarin lahaa.

 Allah mahad leh

Muuse Qaasim Aw Cumar

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Iyo Maalgashiga.

 

005004007006maxamed xasan

 

 

saxilnews.com

saxilnews005@gamil.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here