Hargeisa (Saxilnews.com)-Magaalada Hargaysa, Golaha Wakiilada ee Somaliland ayaa fadhigoodii maanta cod aqlabiyad ah ku diiday heshiis ay sheegeen in si sharci darro ah oo aan loo marin tartan furan loogu wareejiyay haamaha keydka shidaalka ee Berbera sharikado gaar loo leeyahay, oo xukuumadu heshiis kula gashay dhowaan.