Hargeysa( Saxilnews)-Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay wararka sheegaya inay xukuumadu wareejinayso haamaha shiidaalka ee ku yaala magaalada Berbera.
Musharax Jamaal Cali Xuseen ayaa xukuumada ku canaantay wareejinta haamaha shiidaalka Berbera, waxa kale oo uu balan qaaday inuu soo bandhigi doono daraasad ka haldaysa haamaha shiidaalka ee magaalada Berbera.
Musharax Jamaal Cali Xuseen oo bartiisa Face-book soo dhigay qoraal uu kaga hadlaya wareejinta haamaha shiidaalka ayaa waxa uu qoraalkaasi u dhignaa sidan “Xukuumadda Kulmiye waxay ku tallo jirtaa inay iibiso Oo wareejiso Haamihii magaaladda Berbera. Waxay damacsan tahay inay ku wareejiso 6 shirkadood Oo 3 Ka mid ay leeyahiin dadka madaxtooyada ka talliya laftigoodu sida ay wararku xaqiiji ayaan. Shirkadaha aanay iyagu lahayn waxay ka