MUSHARAXA MADAXWAYNAHA XISBIGA UCID OO KA HADLAY SHIRKADAHA GAARKA LOO LEEYAHAY EE LAGU WAREEJINAYO HAAMAHA KEYDKA SHIIDAALKA BERBERA

0
22

Hargeysa( Saxilnews)-Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay wararka sheegaya inay xukuumadu wareejinayso haamaha shiidaalka ee ku yaala magaalada Berbera.
jamaal caliMusharax Jamaal Cali Xuseen ayaa xukuumada ku canaantay  wareejinta haamaha shiidaalka Berbera, waxa kale oo uu balan qaaday inuu soo bandhigi doono daraasad ka haldaysa haamaha shiidaalka ee magaalada Berbera.
Musharax Jamaal Cali Xuseen oo bartiisa Face-book soo dhigay qoraal uu kaga hadlaya wareejinta haamaha shiidaalka ayaa waxa uu qoraalkaasi u dhignaa sidan “Xukuumadda Kulmiye waxay ku tallo jirtaa inay iibiso Oo wareejiso Haamihii magaaladda Berbera. Waxay damacsan tahay inay ku wareejiso 6 shirkadood Oo 3 Ka mid ay leeyahiin dadka madaxtooyada ka talliya laftigoodu sida ay wararku xaqiiji ayaan. Shirkadaha aanay iyagu lahayn waxay ka

qaadanyaan US$ 2 million midkiiba. Tani waxay ka mid tahay boobkii Ugu waalnaa xukuumad wakhtigeediii sii dhamaanayo. Kolay dhawaan waxaan soo bandhigi doonaa daraasad ka hadlaysa Haamaha Iyo sida Loogu takri falay Iyo boobka lala damacsan yahay Iyo sidii TOTAL looga qaaday. Kuwa hantidda Ummadda iibinaya Ee Siilaanyo Ugu horeeyo waxa ka SII waalli Badan kuwa iibsanaya. Waa inoo Iyo Soo bandhigidda daraasadka Haamaha”.
maxamed xasan
saxilnews005@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here