Mudanayaal Ka Tirsan Golaha Wakiillada oo Xukuumadda Ku Eeddeeyey Ku Tagrifalka Hantida Shacabka.

0
21

Hargaysa(Saxilnews.com):-Xildhibaano ka tirsan golaha wakiillada Somaliland, ayaa soo saaray bayaan ay Xukuumadda wakhtigeeddu dhammaaday kaga codsanayaan inay joojiso boobka iyo xaraashka Hantidda qaranka jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiyaha guddida shuruucda iyo Distoorka ee golaha Wakiillada Somaliland Md Siciid Cilmi Rooble oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargaysa,

“sida la wada ogsoon yahay waxay Xukuumaddu caadaysatay inay Hantida guud ee ilaalinteeddu ka dhaxayso dawladda oo aan ujeeddo Xeer-dejinta, Xukuumadda, Garsoorka iyo Muwaadiniinta oo qayb Ka ah Hantida qarankani leeyahay Muwaadiniintaa leh, xukuumadduna waxay u wareejisay si aan Distoorka iyo qawaaniinta waafaqsanayn, hanta badanna ka qaadato oo aan la garanayn, iyadoo Distoorka somaliland uu dhigayo sidan

“Qodobka 12aad farqadiisa 2aad waxay odhanaysaa daryeelka Maalka iyo ilaalinta awqaafta Hantidda guud wuxuu masuul ka saaran yahay Xukuumadda, Garsoorka iyo Xeer-dejinta iyo muwaadiniintabba, waxaanna qeexaaya Xeer. Hawshaas lama geli karo haddaan Xeer qeexayn, xukuumadduna iyadoo Xeerkii soo gudbin ayay sida hantida gaar ah loogu tagri fallo ugu tagri fashay, xukuumaddu kuma dhaqaaqi karto haddaan xeer jirin.

Isla farqadda 5aad ee Distoorka ee qodobkaa 12aad wuxuu tilmaamayaa Hantida guud ee lahaanshaheedda ama ka faa’iidaysigeedda waxay ku wareegi kartaa si Xeerka waafaqsan taasinna waxay cadaynaysaa in Xukuumaddu hantida isticmaali karto, laakiin waa marka uu jiro Xeerkii oo qeexaaya nidaamka loo marayo arrintaas, dalkani waxa uu leeyahay boqolaal taajir oon qof iyo laba aan midna ahayn, waxa jira guryo iyo warshado la wareejiyey aan sifihii loo maray aannu cadayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here