Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Kulan Albaabadu U Xidhan Yihiin La Qaatey Culimada Qaadiriyada Ah.

0
21
Hargeysa(Saxilnews.com)-Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa, maanta barxada Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland kulan albaabadu u xidhan yihiin kula qaatey 25 kamid ah Culimada qaadiriyada ah ee Caasimada Hargeysa.
Kulankan oo ay labada dhinac kawada hadleen Qodobo muhiim ah sida ay ilo goob joog ahi u xaqiijiyeen Hadhwanaagnews waxa ku wehelinayay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Wasiirka Gaashaandhiga, Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Wasiir kuxigeenka Amniga iyo masuulyiin kale waxaana ugu muhiimsanaa nuxurka kulankan in ay Culimada qaadiriyada ahi Wasiirka u laqimeen tabasho ay doonayaan in Madaxweynaha Somaliland kula garnaqsadaan taas, oo lagaga wada hadley Muhiimada inta ugu badan sadex qodob.
Waxaa ugu muhiimsanaa Qodobada kulankan ay isla meel dhigeen Wasiirada Xukuumada katirsan ee Warancade hogaaminayay iyo Culimada

Qaadiriyada ah ee Somaliland in marka hore ay Xukuumada u sinaadaan guud ahaanba Culimada dalku,iyo in Culimada dastuuriga ah ee dalku aaney, ku koobnaan qaar uu soo xusho qof kali ahi,iyo Waliba in loo baahan yahay la mideeyo Culimada dalka iyo arimo kale oo iyaguna ka baxsan Muhiimada kulankan.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo Culimada Sune Wa Jameeca ee Qaadiriyada ah kulankan si wanaagsan ula qaatey ayaa, ubalnaqaadey in uu horgeyn doona Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo), si ay tabashooyinkooda u hor dhigaan Madaxweynaha islamarkaana, ka qaabiley guud ahaanba qodobadii ay usoo gudbiyeen si uu u horgeeyo Madaxweynaha.
Waa Markii u horeysay ee Culimada Sune Wajeemaca(Qaadiriyada)ahi kulan noocan oo kale ah la qaataan Masuulyiinta Xukuumada Somaliland ee uu Hogaamiye Madaxweyne Siilaanyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here