Macedonia oo xoog u adeegsatay muhaajiriin

0
18

Macedonia (Saxilnews)-Booliska Macedonia ayaa waxa ay sunta dadka kaga ilmaysiisa u adeegsadeen si ay u kala kaxeeyaan kumannaan qof oo muhaajiriin ah oo isku dayayay in ay dalkaasi ka soo galaan waddanka Giriigga.

Arrintan ayaa waxa ay imanaysaa maalin un kaddib markii ay Macedonia ku soo rogtay xaalad degdeg ah laba gobol oo ku taal xudduuda si wax looga qabto qulqulka muhaajiriinta intooda badan ka timid Bariga Dhexe.

Tira badan oo ka mid ah dadkaasi ayaa habeenkii waxa ay ku qaateen soohdinta koonfureed ee Macedonia iyagoo subaxiina isku dhacay booliska.

Waddankan ku yaal gobolka Balkanska ayaa noqday barta ugu weyn ee ay soo maraan muhaajiriinta iyagoo isku dayaya in ay gaaraan waqooyiga Yurub.

Ku dhawaad 44,000 oo qof ayaa lagu soo warramayaa in ay labadii bilood ee la soo dhaafay ay ka gudbeen dalka Macedonia.

Sida ay ku warramayso wakaallada wararka ee AP-na ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhaawacmay isku dhacyada ka dhacay xudduuda Giriiga.

Qaramada Midoobay ayaa waxa ay qiyaasaysaa in Giriiga laf ahaantiisa ay tan iyo bishii Janaayo soo gaareen ku dhawaad 160,000 oo qof oo ka soo degay xeebaha dalkaasi, iyadoo 50,000 oo qof dadkaasi ka mid ahna ay halkaasi yimaadeen bishii la soo dhaafay oo kaliya.

 

 

 

maxamed xasan

 

saxilnews005@gmail.com

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here