Saxilnews.com
Rabshado Xalay ka Dhacay Xaafadda Daami oo Sababay Dhaawaca Wiil Dhalinyaro ah
August 21, 2015 - Written by admin

Hargeysa (saxilnews)-Rabshado maal-mahan ka socday Xaafadda Daami oo ka tirsan Degmada Gacan Libaax ee Magaaladda Hargeysa, kuwaasoo sababay khasaare iskugu jiraa dhaawac sahlan iyo mid Culus, kadib markii Kooxo dhalinyaro oo Xaafadda wada tirsani isku weerareen Aalaado iskugu jira Budhaadh, Mindiyo,  Faashash iyo dhagxaan.

Lama garanayo sababta dhabta ah ee uu salka ku hayo weerarkan gacanka hadalka ah, hase-yeeshe goob-joogayaal ka ag-dhowaa goobta shaqaaqadu ka dhacday, ayaa  saxilnews uu sheegay in Habeenimadii Xalay aanay rabshado badani ka dhacin halkaas, Balse xoogga Qul-qulatooyin ah oo Xalay dhacay uu ku dhaawacmay Wiil dhalinyaro ah.

Wiilka ayaa sida wararka lagu sheegay dhaawaciisu yahay mid Fudud, isla markana lagu daweynaayo Cisbitaalka Guud ee magaaladda Hargeysa, sidoo kale, waxay goob-joogayaashu xusey Wiilkan dhalinyarada ahaa ee dhaawacu soo gaadhay inay Walaalo yihiin Fanaanka Maxamed Cige Busi. Hase-ahaatee ma jirto cid sii dhab ah u xaqiijineysaa arrinka.

 

 

maxamed xasan

 

 

saxilnews005@gmail.com

 

 

 

COMMENTS
Latest News