SHEIKH (saxilnews.com)
ururka shaybaadhada somaliland ayaa maanta tababar u furay 20 shabaadhayaal ka kala socday dhamaan gobolada somaliland tababarkaasoo lagu qabtay hoolka jaamacada xanaanada xoolaha ee degmada sheikh tababarkan ayaa ujeedkiisu waxa uu ahaa sidii kor looqu qaadi lahaa tayada iyo aqoonta adeega shaybaada dalka jamhuuriyada somaliland islamarkaana soconaaya mudo shan cisho ah
waxa furitaankii tababarkan ka soo qayb galay masuliyiin ka socota ururka shaybaadhayaasha somaliland ee magciis loo yaqaano ( somla ) masuuliyiinta caafimaadka gobolka iyo degmadaba
waxaana ugu horayn munaasibadaa ka hadlay agaasimaha guud ee ururka shaybaadhayaasha ee somla mohiadiin ahmed jibriil kana warbixiyay isla markaana faahfaahin ka bixiyaya tababarkan iyo ujeedkiisa
waxa sidoo klae ka hadlay gudoomiyaya ururka shaybaadhayaasha somalilan ahna madax tababarada wasaarada caafimaadka somaliland khadar ibraahin maxamed oo isna halkaa ka soo jeediyaay khudbad dheer oo dhinacyo bada taabanaysa sharaxaadna ka bixiyaay tababarkan kulana dardaarmay ka qaybqaadayaasha tababarkan inay ka faaiidaystaan mudada uu u soconaayo tababarkani
ugu dambayntii ayaa waxa iyana munaasibada ka hadlay isu-duwaha caafimaadka degmada sheikh ibraahin ahmed abdilah
iyo madaxa caafimaadka adeega xaasaasigaa cabdirisaaq maxamed cabdi oo iyagu si faahfaahsan uga hadlay mihiimada ay leedahay kobcinta ,dardar gelinta iyo kor u qaadista adeega shaybaadhistayaasha somaliland si loo helo dad aqoon u leh adeega shaybaadhka oo buuxinkara kaalinta ay u qaabilsanyihiin bulshada jiraan
engfaizaladen@gmail.com
faizal aden ismail