Muxuu yahay cudurka ka dillaacay dalka Ghana ee laga cabsanayo inuu faafo?

0
23

Labo ruux ayaa ku geeriyootay dalka Ghana kaddib markii uu ku dhacay fayraska Marburg – 98 ruux oo kalena waxaa la geliyay karantiil – taasoo keentay cabsi ku aaddan in uu cudurkan noqdo mid faafa.

Cudurkan oo si deg deg ah loo kala qaadi karo ayaa sababa qandho, murqo xanuun, shuban, matag iyo mararka qaar geeri ku timaada dhiig la’aan qofka ku dhacda.

Boqollaal qof ayaa horay ugu geeriyooday cudurkan oo inta badan saameeya qaaradda Afrika.

Muxuu yahay fayraska Marburg?

Waa xanuun ay isku bah yihiin cudurka dilaaga ah ee Ebola, sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WHO.

Fayraska Marburg waxaa markii ugu horraysay la aqoonsaday kaddib markii uu 31 ruux ku dhacay, toddobo ka mid ahna ay u geeriyoodeen sanadkii 1967-kii.

Markii ugu horraysay waxaa lagu arkay magaalooyinka Marburg iyo Frankfurt ee dalka Jarmalka, iyo magaalada Belgrade ee dalka Serbia

Xanuunka halkaas ka dillaacay markii dib loo baaray waxaa la ogaaday in uu ka yimid daanyeerrada cagaaran oo laga soo dhoofiyay waddanka Uganda.

Hase ahaatee xilligaas kaddib waxaa fayraskan lala xiriiriyay xayawaanno kale.

Dhinaca bani’aadanka, waxa uu aad ugu faafaa dadka waqtiga dheer ku qaata qodadka macdanta iyo meelaha ay ka buuxaan xayawaannada kibiliga.

Waa markii ugu horraysay ee hadda uu ka dillaaco dalka Ghana – balse dhowr dal oo Afrika ka tirsan ayaa horay loogu arkay kiisas, waxaana ka mid ah:

  • Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Kongo
  • Kenya
  • Koonfur Afrika
  • Uganda
  • Zimbabwe

Mar uu sanadkii 2005-tii ka dillaacay dalka Angola waxa uu ku dilay 300 oo ruux. Balse qaaradda Yurub, hal qof oo keliya ayaa ugu geeriyooday 40-kii sano ee lasoo dhaafay.

Hal qof oo kale ayaa ugu dhintay Mareyknaka kaddib markii uu ka noqday safar uu ku tagay waddanka Uganda.

Marar uu meelo ka dillaacay

  • 2017, Uganda: Saddex kiis, saddex dhimasho
  • 2012, Uganda: 15 kiis, afar dhimasho
  • 2005, Angola: 374 kiis, 329 dhimasho
  • 1998-2000, DR Congo: 154 kiis, 128 dhimasho
  • 1967, Jarmalka: 29 kiis, toddobo dhimasho

Waxaa xogtan laga soo xigtay: WHO

Xanuunnadee ayuu keenaa fayraska?

Fayrasku si lama filaan ah ayuu ugu billowdaa:

  • Qandho
  • Madax-xanuun daran
  • Murqo-xanuun

Tan waxaa badanaa raacda, saddex maalmood kaddib, inuu bukaanku isku arko:

  • Shuban-biyood
  • Calool-xanuun
  • Lallabbo
  • Matagid

WHO waxay tiri: “Muuqaalka bukaannada marxaladdan waxaa lagu tilmaamay inuu u muuqanayo ‘wax meyd u eg’, indhaha oo god gala, weji aan dareen muujineyn iyo caajis xad dhaaf ah.”

Dad badan ayaa ka dhiig baxa qaybaha kala duwan ee jirka, waxayna dhintaan siddeed ilaa sagaal maalin kaddib markii ugu horreysay ee ay xanuunsadeen, taas oo uu sababay dhiigbax daran.

Celcelis ahaan, fayrasku waxa uu dilaa kala bar dadka uu ku dhacay, sida ay sheegtay WHO, laakiin noocyada ugu waxyeellada badan ayaa dilay ilaa 88 boqolkiiba

Fiidmeerta Masaarida waxay badanaa haysaa fayraska.

Daanyeerrada cagaaran ee Afrika iyo doofaarrada ayaa sidoo kale qaadi kara.

Dadka dhexdiisa, waxa uu ku faafaa dareeraha jirka iyo taabashada gogosha wasaqaysan.

Xitaa kaddib marka ay dadku ka soo kabtaan, dhiiggooda ama shahwadooda, tusaale ahaan, waxay u gudbin karaan dadka kale bilo badan kaddib.

Sidee loo daweyn karaa?

Ma jirto daawayn gaar ah ama tallaal loo hayo fayraska.

Laakiin noocyo kala duwan oo xirmooyin dhiig ah, dawooyinka iyo daawaynta difaaca jirka ayaa la soo saarayaa, sida ay sheegtay hay’adda WHO.

Dhaqaatiirtuna waxaa laga yaabaa in ay yareeyaan calaamadaha iyaga oo siinaya bukaannada isbitaallada la dhigo dareere badan iyo beddelaadda dhiigga ka baxay ama is-dhimay.

Sidee loo xakamayn karaa?

Dadka ku nool Afrika waa in ay ka fogaadaan cunista hilibka duurjoogta, sida ay aaminsan taay Gavi, oo ah hay’ad caalami ah oo ka shaqysa kor u qaadista helitaanka tallaalka.

Dadku waa inay sidoo kale iska ilaaliyaan doofaarrada jooga meelaha uu ka dillaacay cudurka, sida ay ku Talisay WHO.

Ragga qaba fayraska waa inay isticmaalaan kondhomyada muddo hal sano ah laga billaabo marka ay calaamadaha isku arkaan ama ilaa shahwadooda ay labo jeer iska baaraan ilaa laga waayo fayraska.

Kuwa aasaya dadka u dhintay fayraska waa inay sidoo kale ka fogaadaan taabashada jirka meydka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here