Saxilnews.com
Xirsi Muxuu ka yidhi Wadahalka Madaxwaynaha Iyo Xisbiyada Qaranka .
July 18, 2022 - Written by admin

Hargaysa ( SN)-W/Q Guddoomiyaha XIsbiga WADDANI Md Xirsi Cali X Xasan

 

” Salaamu Calaykum.

Waxaa socday maalmahan wadahadal u dhexeeyay xisbiyada macaaradka ah iyo xukuumadda oo ay dhexdhexaad ka ahaayeen labada Guddoomiye ee golayaasha Guurtida iyo Wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

 

Kulankii maanta waxaa baajiyay labada Oday, mana jiro kulan gaar ah oo Xisbiga Waddani ka dalbaday Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, haba yaraatee. Waxa aannu gartayadii oo Af iyo qoraalba ah u dhiibnay Odayada dhexdhexaadka ah, iyaga ayaannuna ka war sugaynnaa berrito, insha allaah.”

COMMENTS
Latest News