DOONI AY SAARNAYEEN TAHRIIBAYAAL SOMALI AH OO DAGTAY IYO TIRADA DHIMASHADA.

0
18

(Saxilnews.com)- Ciidamada badda ee Yemen ayaa badbaadiyay dad la socday doonni ku dagtay badda cas, kuwaasoo intooda badan ahaa Somali doonayay in ay tahriib ahaan ku galaan dalkaas.

Tahriibayaashan doonta la socday oo tiro ahaan gaaraya 49-qof ayaa isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan, kuwaasoo oo doonayay inay gaaraan Yemen si ay ugu sii gudbnaan dalalka kale ee Khaliijka Carabta.

Saleh al-Sobari oo ka tirsan saraakiisha ciidamada badda waddanka Yemen ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee SABA inay soo badbadiyeen 13 ruux oo siddeed ka mid ah ay Itoobiyaan yihiin.

Waxaa la rumeysan yahay inay doonta dagtay ku geeriyoodeen dad badan, taasoo Isniintii shalay ku dagtay xeebaha Koonfur-bari Yeman, iyadoo ciidamadu ay sheegeen
inay heleen maydadka dadkii doonta la socday qaarkood oo ay Soomaali ku jirto.

Baaritaannada ay ciidamadu ka sameynayaan Badda Cas ayaa wali socda; iyadoo wararka la helayo ay sheegaya in 35-qof oo Soomaali ah ay dhinteen kuwaas oo la socday doonnida dagtay.

Dhanka kale, saraakiisha ciidamada baddda Yemen ayaa sheegay in bishii la soo dhaafay ee December 2014-kii ay 70 tahriibayaal ah ku dhinteen badda cas, kaddib markii doonidii wadday ay dagtay cilimada oo aad u xumeyd awgeed.

Bishii May 2014-kii ayaa sidoo kale waxaa badda cas ku dhintay 60 ruux oo tahriibayaal ahaa, kuwaasoo isugu jiray Soomaali iyo Itoobiyaan, waxaana la dhintay laba Yemeniyiin ah oo doonta waday.

Ugu dambeyn, hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in shantii sano ee aynu soo dhaafnay ay 500,000 oo qof oo tahriibayaal ah oo intood badan ay ahaayeen Soomaali, Eriteriyaan iyo Itoobiyaan ay gaareen dalka Yemen.

Hargaysa // Office

berbera2002@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here