DEG DEG: Musiibo Ku Habsatay Manchester City Ka Hor Kulanka Caawa Ee Man United

0
31

Goolhaye Scott Carson ayaa laga helay cudurka Korona Fayras taasoo ka dhigeysa in Manchester City ay wajaheyso musiibo weyn iyagoo heysta kaliya hal goolhaye oo taam ah.

Goolhayaha koowaad Ederson ayaa isna la maqan cudurkaan isagoo seegay kulankii Axada ay ka badiyeen Chelsea.

Kaliya goolhayaha labaad ee u dhashay dalka Mareykanka Zack Steffen ayaa la xaqiijiyay inuu taam yahay ka hor kulanka semi-finalka Carabao Cup ee ay caawa u safrayaan Manchester United.

Kooxda ayaa xaqiijisay maanta in Carson uu ka mid yahay seddex qof cusub oo laga helay cudurka ka dib baaritaanadii ugu danbeeyay ee lagu sameeyay ciyaartoyda iyo shaqaalaha kooxda.

Xiddiga akadeemiga ee khadka dhexe Cole Palmer iyo shaqaale aan magaciisa la sheegin ayaa laga helay cudurkaan.

Warbixin ay soo saartay goor dhaweyd Man City ayaa lagu yiri: “Manchester City FC waxay xaqiijin kartaa in Scott Carson, Cole Palmer iyo mid ka mid ah shaqaalaha kooxda in laga helay cudurka Korona Fayras.

“Waxay dhamaantood galayaan karantiil iyagoo raacaya sharciga Premier League iyo kan dowlada UK.

 

“Qof walba oo ka tirsan kooxda wuxuu u rajeynayaa Scott, Cole iyo dhamaan shaqaalaha kale soo kabsasho degdeg ah.”

Haddii uu Steffen dhaawacmo kulanka caawa ama uu casaan qaato Man City ma heysato goolhaye kale oo buuxin kara booskiisa ilaa iyo inay akadeemiga ka soo kaxeystaan mid da’ yar oo aan khibrad laheyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here