Saxilnews.com
Frank Leboeuf Oo Saadaaliyay Kulanka Adag Ee Caawa Ee Man United Iyo Man City Isagoo Tusaale Ka Dhigtay Chelsea
January 6, 2021 - Written by editor

Frank Leboeuf ayaa filanaya in Manchester City ay garaacdo Manchester United si la mid ah qaabkii ay u xaaqeen Chelsea kulankii Premier League ee todobaadkan.

Kooxda Pepe Guardiola ee City ayaa Old Trafford ku wajaheysa kooxda Ole Gunnar Solskjaer ee Man United caawa oo Arbaco ah iyadoo loo tartamayo kooxdii finalka Carabao Cup la dheeli laheyd Tottenham.

Spurs ayaa buukimatay booskooda finalka ka dib markii ay xalay 2-0 kaga soo badiyeen kooxda heerka labaad ee Brentford, waxayna caawa ogaan doonaan kooxdii ay la ciyaari lahaayeen finalka .

City iyo United ayaa dhibcaha kala qeybsaday kulankoodii Premier League ee xilli ciyaareedkan ka dib markii ay ku kala baxeen barbaro 0-0 ah.

Labada kooxoo meel sarre ayay kaga jiraan miiska kala sareynta iyadoo United ay ku dhibco tahay Liverpool oo hogaanka heysa islamarkaana uu kulan u harsan yahay halka City ay afar dhibcood ka danbeyso iyagoo ku jira kaalinta shanaad laakiin labo kulan ayaa u harsan.

Labada kooxood ayaa kulankaan garoonka soo galaya iyagoo guulo soo gaaray. United waxay 2-1 kaga soo badisay Aston Villa habeenkii Jimcaha halka City ay 3-1 ku soo xaaqday Chelsea.

Halyeeyga Faransiiska Leboeuf ayaa filanaya in City oo uu u arko inay taahy koox sareysa inay ku riyaaqi doonto guul ay ka gaarto United islamarkaana ay finalka la dheeli doonaan Spurs.

“Waxaan doonayaa inaan arko koox la mid ah, waxaan doonayaa inaan arko qaab ciyaareed la mid ah” ayuu Leboeuf u sheegay ESPN.

Si la mid ah waxaan isbarbardhigi karaa awooda Manchester United iyo Chelsea.

“Waxaan qabaa in City ay labada kooxood ka awood weyn tahay sidaasi darteed waxaan doonayaa in City ay u soo bandhigto dunida inay soo laabteen inkastoo uusan kulankaan aheyn Premier League.

“Sidaasi darteed waxaan filayaa ciyaar la mid ah tii Chelsea, natiijo la mid ah tii Chelsea iyo qaab ciyaareed la mid ah tii Chelsea.”

COMMENTS
Latest News