Muranka Niil: Masar way cadhaysantahay Itoobiyana way damaashaadaysaa

0
24
..
Halka ay Itoobiya kaga faraxsantahay roobabka buuxinaya biyoxidheenka muranku ka taagan yahay ee ku yaal webiga Niil, Masar na way cadhaysantahay.

Dalkaa woqooyiga Afrika ku yaal ayaa muddo dheer diidanaa in wax horumarin ah laga hirgeliyo webiga Niil oo yarayn kara xadiga biyaha uu ka helo webiga waxaanu mashruucaa Itoobiya u arkayey inuu halis ku yahay jiritaankiisa.

Biyoxidheenka weyn ee Itoobiya oo magaciisa loo soo gaabiyo GERD oo dhismihiisu socday tan iyo 2011, ayaa haatan biyaha qabtay oo waxa galay 4.9 bilyan mitir oo saddex jibaaran, taa oo ka mid ah biyaha Niil ka Buluugga ah markii roobabkii xilligani da’een.

Arintan ayaa dhaqan gashay in kasta oo Masar ku adkaysanaysay in aan la buuxin iyada oo aan heshiis sharci ah laga gaadhin sida loo maareynayo arintaa.

Afar ilaa lix sano oo dambe ka dib ayaa la filyaa in haradan biyaha ay qaadi doontaa gaadhi doonaan 74 bilyan mitir oo saddex jibaaran. Harada biyoxidheenka waxay noqon doonta midda ugu weyn Afrika ee laga dhaliyo quwadda korontada.

Masar, Itoobiya iyo sidoo kale Sudan oo Niilka Buluugga ahi maro, ayaa ka wada xaajoonayay tobankii sano ee u dambeeyay, laakiin hadana dhismaha biyoxidheenku wuu socday uun.

Waxay saxiixeen heshiiskii mabaadiida 2015, kaas oo ka hadlayey “aragti iskaashi” laakiin Masar ayaa dareensan in arintaasi aanay haatan jirin.

Sannadkii hore ayay wakhti badan iyo dadaal siyaasadeed ah ku bixisay olole ay ka gashay heerka ugu sarreeya goleyaasha caalamka iyadoo taageero ka doonaysay Maraykanka iyo Qaramada Midoobay laakiin waxba kamaysan helin.

Waxaanad mooddaa in Masar dagaalkaa ku guul darraysatay.

Waxay ku guul darraysatay in ay Itoobiya ku dirqido in ay fuliso waxa ay u aragto axdiyada mudada dheer soo jiray ee caalamiga ah ee dhigaya in wadamada ku yaal dhanka webiyadu ka soo bilaabmaan ay kala tashadaan dalalka ay gaaraan biyaha, inta aanay ku dhaqaaqin mashaariic baaxaddan leh.

Marka xaal sidaa yahay, way adag tahay in la maleeyo waxa kale ee Masar maanta yeeli karto ee aan ahayn in ay ku qasbanaato oo ay samayso uun sida suurto galka ah ee ay khasaaraha gaadhi kara u yarayn lahayd. Hase yeeshee talaaabo militari ayaan iyadna meesha si cad looga saarin.

Hogaanka Masar ayaa ku celceliyey oo sheegay in ay ka go’antahay in wada xaajood xal lagu gaadho. Laakiin badanaa wuxuu ku daraa digniin ah in “ikhtiyaar kastaa miiska u saaran yahay”, weedhaas oo ah mid badanaa si dadban u tilmaanta in colaadi dhici karto.

.

Qoraalka sawirka,.

Dawladdu waxay si joogto ah arinta mashruuca GERD ugu tilmaantay mid nolol iyo geeri ah. Waxaana taa run ka sii dhigaya, gaar ahaan waa inay yaraan doonaan xaddiga biyaha gaadha Masar.

Laakiin hadda iyada oo ay xaqiiqo noqotay buuxintii biyoxidheenku, dawladda Masar waxay isku dayeysaa in ay is giijiso.

Masar waxay sheegtay in ay ku qanacsantahay dadaalka diblomaasiyadeed ee socda ee uu wado Midowga Afrika waxaanay ku celisay hal hayskeedii soo jireenka ahaa ee ah in aanay aqbali doonin talaabo ay Itoobiya keligeed ay qaadi karto.

Biyo la’aan

Waxay Masar sheegtay in heshiis kasta oo mustaqbalka la gaadhaa ay tahay in uu tix gelyo waxa ay u aragto xaqeeda Niil ka ee ah in ay hesho 55 bilyan cubic mitir oo saddex jibaaran.

Qiyaas ahaan 49 bilyan cubic mitir oo saddex jibaaran weeyaan biyaha ka soo rogmada webiga Niilka Buluuga ah sannadkii, Itoobiyana si joogto ah ayay u diiday in ay tanaasusho oo ay Masar siiso balan qaad gaar ah oo ku saabsan xadiga biyaha ee uu sii dayn doono biyoxidheenku. Waxay u aragtaa waxyaabaha ay Masar doonayso sooyaalka heshiisyo la galay iyada oo aan ku jirin.

Wadaxaajoodyo hore oo Maraykanku dhexdhexaadinayey

Qoraalka sawirka,Wadaxaajoodyo hore oo Maraykanku dhexdhexaadinayey

Falcelinta rasmiga ah ee Masar waxay muujisay taag darri aan lahayn go’aan.

Halista soo food saartay wadankaas haatan ka hor sidan umay weynayn.

In ay Masar ku tilmaanto GERD inuu halis ku yahay jiritaankeedu maaha buunbuunin. Masar waa dal saxare ah oo biyuhuna ku yar yihiin.

Baanka Adduunku wuxuu biyo yaraani ku qeexaa marka qofkiiba sannadkii uu helo in ka yar 1000 cubic mitir oo saddex jibaaran. Masar na waxa qofkii helaa 550 cubic mitir oo saddex jibaaran sannadkii, sida ay dawladdu sheegtay.

U fiirso khariidadda, 90% dadka dalkaas oo tiradoodu tahay 100 milyan, waxay ku urursan yihiin oo deggan yihiin daafaha Niil, taas oo ah 6% bedka dalka oo dhan labada dhinac ee kalena waxa kaga xeerar lama degaan.

‘Laga xariifsanaaday’

Niil waa isha keliya ee ay dadka reer Masar ka helaan biyaha ay cabbaan iyo kuwa waraabka beeraha ba.

Sannadkii qaybta ay Masar ka hesho biyaha Niil oo haatan suququl galay waa 55 bilyan oo cubic mitir oo saddex jibaaran, taa oo kaba yar inta ay u baahantahay.

Arintani waxay muujinaysaa in marka xaga dawladda marka la eego in ay ilaa haatan Masar hadalka iska xakamaysay, laakiin warbaahinta dadka ka faaloodaa ayaan aamusin.

Iyaga waxay la tahay in Itoobiya ay wadahadallada jiitamaya u adeegsatay in ay Masaarida kaga indho saabto xaqiiqada ka hir gelinayso goobta oo ah in ay si buuxda gacanta ugu dhigto webiga.

.

Qoraal uu damaashaad guuleed ahi ka muuqdo oo Twitter-ka uu ku qoray wasiirka arimaha dibada Itoobiya Gedu Andargachew ayaa qayb ka mid ahi waxay u dhignayd “webigii haro ayuu noqday… Niil ka anagaa leh” waana arrim dareen abuurtay.

Waxay arintaas caddaysay wixii ay Masaaridu muddo dheer ka cabsi qabeen waxanay dadka qaarkood kaga jawaabeen hanjabaad nooc walba leh.

Qoraa reer Masar ah ayaa si kugu qabatay ah u qiray in Itoobiya ka xariifsanaatay dalkiisa, laakiin wuxuu sheegay in aanay sidaa wax ku dhamaanayn. Cimaad Addiin Xuseen ayaa maqaal ku qoray wargeyska Shuruuq isaga oo isku dayayay inuu akhristayaashii niyada u dejiyo.

“Itoobiyaanku waxay diidan yihiin in ay rumaystaan in Niil ka la’aantii aynu dhimanayno. Webiyo badan bay leeyihiin waxaanay helaan biyo roobaad 950 bilyan oo cubic mitir saddex jibaaran ah sannadkii. Inaguna waxaynu helnaa wax yar oo 55 bilyan mitir oo saddex jibaaran ah, oo ah kala badh inta aynu u baahannahay taas oo sidoo kale ah kala badh inta xoolahoodu sannadkii cabbaan,” ayuu ku yidhi qoraalkiisa oo cadho ka muuqato isaga oo soo koobaya isku dheeli tir la’aanta ay dad badan oo Masaari ahi dareemayaan.

Muran diblomaasiyadeed

Dhinaceeda, Masar waxay ka bilowday dhawr mashruuc oo maaraynta biyaha ah oo ay ku jiraan in biyaha wasakhda ah dib loo nadiifiyo oo lagu waraabiyo beeraha, warshado biyaha badda macaaneeya iyo baraamij aad loogu hanweyn yahay oo la doonayo in lagu bedelo habkii waraabka ee soo jireenka ahaa oo laga dhigo waraab tashiilan.

Laakiin doodda ah in Masar ay biyo la’aani hayso ayaa malaha ah qodobka ugu adag ee ay u adeegsan karto muranka diblomaasiyadeed kuna soo jiidato taageero caalami ah.

Ka sokow fariin gaaban oo dhawr af lagu baahinayo, maamulka Masar ilaa haatan wuxuu ku guul darraystay in uu bilaabo olole culus oo war siin ah oo uu ku kasbado taageero caalami ah.

Laakiin dalalka saxaraha Afrika ka hooseeya iyo xataa Maraykanka labadaba, Itoobiya ayaad mooda in ay kaga galaangal fiicantahay.

.
Qoraalka sawirka,.

Gudoomiyaha hadda xilka haya ee Midowga Afrika waa mdaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa. Masaari badan ayaa rumaysan in Koonfur Afrika u xaglinayso Itoobiya oo aan u niyad furnay wadahadallada.

Hadii wadahadaladaa xal lagu qanco lagu gaadhi waayo, Masar waxay rumaysan tahay in ay arrinta ku celiso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si qaraar xidha Itoobiya uga soo baxo.

Laakiin illaa haatan ma jirto hubanti ah in ay ku guulaysan karto taageerada dhamaan shanta xubnood ee joogtada ah.

Warar dhawaan soo baxay ayaa tibaaxaya in Shiinaha iyo Ruushka labaduba ay talaabada noocaas ah diidi doonaan sababta oo ah ma doonayaan in ay doc isku faruuraan, maadaama labadoodaba ay wadamo ay xiriir la leeyihiin isku khilaafsan yihiin webiyo.

Hadii lagu guul darraysto in la isku soo dhaweeyo Masar iyo Itoobiya, labadoodaba waxay arintaasi u keeni kartaa dhibaato.

Masiibada Masar waxay noqon doontaa abaarta ka dhalata iyo in dad badani baro kacaan oo cawaaqib xun ku yeelan doona guud ahaa Woqooyiga Afrika iyo Yurub. Iyo sidoo kale, colaad ka dhex aloosanta laba ka mid ah dalalka Afrika ugu waaweyn oo iyadana cabsideeda aanay qabin Afrikaan ka oo keli ah balse ay xataa gaadhsiisan tahay dunida oo dhan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here