Kooxda Manchester City ayaa guul dhamaystiran Etihad Stadium kaga gaadhay kooxda ay dariska yihiin ee Manchester United waxayna kooxda Guardiola awooday in ay ku soo laabto hogaanka Premier League oo ay Liverpool sii haysay kadib guushii ay ka sii gaadhay Fulham.
Manchester City ayaa ciyaar ahaan iyo natiijo ahaanba uga gacan saraysay dariskeeda iyada oo Pep Guardiola uu markale muujiyay sida uu Jose Mourinho uga falsafad dheer yahay waxayna Man City ku horaysay xogtii ciyaarta laga ururiyay kuwii ugu muhiimsanaa.
Manchester City ayaa 3-1 ku karbaashtay kooxda Jose Mourinho ee Man United waxayna hadda Red Devils ku jirtaa kaalinta 8 aad ee Premier League iyada oo 12 kulan ka soo heshay 20 dhibcood waxayna 12 dhibcood hoos uga dhacday hogaanka ay Man City hayso.
SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:
MANCHESTER UNITED (4-3-3): David de Gea; Ashley Young, Chris Smalling, Victor Lindelof, Luke Shaw; Ander Herrera, Nemanja Matic, Marouane Fellaini; Jesse Lingard, Marcus Rashford, Anthony Martial.
Kaydka: Phil Jones, Alexis Sanchez, Juan Mata, Romelu Lukaku, Fred, Sergio Romero, Matteo Darmian.
MANCHESTER CITY (4-3-3): Ederson; Kyle Walker, John Stones, Aymeric Laporte, Benjamin Mendy; David Silva, Fernandinho, Bernardo Silva; Riyad Mahrez, Sergio Aguero, Raheem Sterling.
Kaydka: Vincent Kompany, Ilkay Gundogan, Fabian Delph, Leroy Sane, Gabriel Jesus, Phil Foden, Arijanet Muric.
Daqiiqadii 12 aad Manchester City ayaa heshay goolkeeda labaad kadib markii uu mucjisada reer Spain ee David Silva uu Mourinho wadnaha ku gooyay goolka furitaanka ciyaarta waxaana caawinta goolka City sameeyay Bernardo Silva oo door muhiim ah ka qaadanayay ciyaarta waxayna natiijadu noqotay 1-0 ay City hogaanka ku qabtay.
Manchester City ayaa markasta raadinaysay goolkeeda labaad waxayna dhibaato badan ku abuurtay kooxda Jose Mourinho ee Man United oo ay ku adkayd in ay kubbada si fiican iskugu dhiiban karto waxayna qaybtii hore ahayd mid ay City awooda badan.
Manchester United ayaa shaqadeeda ugu badan ka dhigatay in ay iska ilaaliso kubbada hal abuurka badan lahayd ee Man City waxayna Red Devils nasiib ku lahayd in aan goolal badan laga dhalin qaybtii hore ee ciyaarta.
Wax walba oo ay Man City u samaysay in ay goolal kale keensato waxay awoodi wayday in ay dhaafto xidigaha United waxaana qaybtii hore lagu kala nastay 1-0 ay Man City hogaanka ciyaarta ku haysay.
Daqiiqadii 48 aad Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta, Sergio Aguero ayaa gool gantaal ah ugu labeeyay kooxdiisa Man City kadib markii uu qaab qurux badan kubbada u soo jiitay ee uu Rihad Mahrez u sii dhiibtay kaas oo caawin u sameeyay wuxuuna Aguero kubbada dhex mariyay gacmaha De Gea oo ku fashilmay in uu wax badbaadin ah sameeyo.
Ciyaarta ayaa noqotay 2-0 ay Man City hogaanka ku dheeraysatay laakiin Raheem Sterling ayaa daqiiqadii 55 aad waxa uu qasaariyay fursad uu Fernandinho uu isku saaray isaga iyo De Gea wuxuuna Sterling noqday mid ku fashilmay in uu kubbada darbeeyo.
Daqiiqadii 57 aad Mourinho ayaa kaydka uga yeedhay xoog waynaha kooxdiisa ee Romelu Lukaku si uu u badbaadiyo wuxuuna saaray Lingard oo aan qaban shaqadii laga doonayay wuxuuna Lukaku noqday mid saamayn fiican markiiba yeeshay.
Daqiiqadii 57 aad Taabashadii ugu horaysay ee uu Romelu Lukaku sameeyay waxay noqotay rekoodhe kadib markii goolhaye Ederson lagu ciqaabay in uu lugaha qabsaday Lukaku oo kubbada ka hortaabtay waxaana Man United la siiyay fursadii ugu fiicnayd ee ay xaalada ku badali kartay.
Daqiqiadii 58 aad Martial ayaa kubbada qaatay maadaama oo uu Paul Pogba kulankan ka maqnaa isla markaana uu taaraboonka ka daawanayay wuxuuna Martial jahada qaldan u diray goolhaye Ederson waxayna ciyaartu noqotay 2-1 ay United rajadeeda sare ugu soo qaaday.
Man United ayaa dardar fiican la soo baxday waxayna aamintay in ay markale soo laabasho ka samayn ka samayn karto ciyaarta laakiin Man City ayaa awooday in ay Man United xaalada ku adkayso iyada oo kubbada inta badan haysatay.
Labada tababare ayaa isbadalo shaxahooda ku sameeyay iyada oo Mourinho uu ciyaarta soo galiyay Mata iyo Sanchez wuxuuna saaray Herrera iyo Rashford halka Guardiola uu keenay İlkay Gündoğan iyo Lorey Sane wuxuuna saaray Riyad Mahrez iyo Aguero.
Daqiiqadii 86 aad Man City ayaa ciyaarta dishay isla markaana Man United murugu ku abuurtay kadib markii uu İlkay Gündoğan si layaableh kubbad ugu hor kaantaroolay David De Gea hortiisa isaga oo kubbad caawin cajiib ah ka helay Bernardo Silva wuxuuna Gündoğan dhaliyay goolka Red Devils soo laabashadii ka beeniyay.
Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-1 ay Manchester City ku dubatay Man United waxayna Sky Blues ku soo laabtay hogaanka Premier league oo ay 32 dhibcood ku qabatay halka Liverpool ay kaalinta labaad ugu jirto 30 dhibc