Saxilnews.com
XAQIIQOOYIN: 12 Kulan Oo Premier league Ah, Man City Oo 12 Dhibcood Ka Sare Martay Man United Iyo Qiimaynta & Xogta Kulankii Manchestr Derby.
November 11, 2018 - Written by editor

Mancheser City ayaa fariin kale oo wayn u dirtay kooxaha kula loolamaya koobka Premier League kadib markii ay xaalad adag soo baday kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Manchester United. Saddex xidig oo Sky Blues ah ayaa shabaqa soo taabtay si ay Man United u badaan guuldaro 3-1 ah iyada oo Martial uu gool rekoodhe ahaa u saxiixay Red Devils.

David Silva, Sergio Aguero iyo Ilkay Gundogan ayaa Manchester City u xaqiijiyay saddexda dhibcood ee kulankii Manchester Derby waxayna kooxda Guardiola guushan ku soo raaxaysan doontaa waqtiga fasaxa kulamada caalamiga ah halka Mourinho iyo kooxdiisa ay waqti adag ku noqon doonto.

Kadib markii 12 kulan oo Premier league ah la ciyaaray waxaa murugo badan jamaahiirta Manchester United ku haysa in ay dariskooda sare u eegayaan fogaan 12 dhibcood ah waxayna waqti xaadirkan u labada kooxood u muuqdaan kuwo ku nool laba qaaradood oo kala duwan.

Manchester City waxay muujinaysaa in ay wali tahay kooxda ugu cad cad ee koobka Premier league difaacan karta laakiin Manchester United oo qaybtii labaad rajo abuuratay ayaa rekoodho aad u liita looga soo diwaan galiyay Etihad Stadium.

Qiimaynta Ciyaartoyda kooxaha Manchester City iyo Manchester United:

Xidigii Garoonka: David Silva ayaa noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa isaga oo waliba ahaa ciyaartoygii Manchester City u dhaliyay goolka furitaanka balse wax qabadkii guud ee uu Silva ka sameeyay kulankii Manchester Derby waxa uu ku mutaystay in uu noqdo xidigii garoonka ugu fiicanaa.

Waxaa kulankan qiimaynta ugu liita ka helay Matic iyo Rashford waxaana ku soo xiga De Gea oo saddex gool laga dhaliyay laakiin sidoo kale Herrera, Smalling iyo Lingard ayaa qiimayn liidata wada helay.

Bernardo Silva, Aguero, Stones, Laports iyo Fernandinho ayaa dhamaantood qiimayn fiican wada helay inkasta oo aanu jirin hal ciyaartoy oo Man City oo kulankan ku fashilmay.

Halkan kaga bogo qiimaynta ciyaartoyda labada kooxood:

Man City: Ederson (6), Walker (6), Stones (7), Laporte (7), Mendy (6), Fernandinho (7), Mahrez (7), D. Silva (9), Bernardo (8), Sterling (6), Aguero (7).

Badalkii: Gundogan (7), Sane (7), Foden (NA)

Man Utd: De Gea (5), Young (6), Smalling (5), Lindelof (6), Shaw (6), Matic (4), Herrera (5), Fellaini (6), Lingard (5), Martial (6), Rashford (4).

Badalkii: Lukaku (6), Mata (5), Sanchez (5)

Man of the Match: David Silva

Xaqiiqooyinkii Laga Diwaan Galiyay Kulankii Manchester Derby:

Manchester City ayaa 44 jeer kubbada isku dhiibtay ka hor goolkii saddexaad ee Ilkay Gündogan, waana kubbad isku dhiibistii ugu badnayd tan iyo goolkii Juan Mata u dhaliyay Man United bishii September 2015 kii markaas oo ay United 45 jeer kubbada isku taabatay kulankii QPR.

Manchester United ayaa markii ugu horaysay 20 gool looga soo dhaliyay 12 ka kulan ee horyaalka heerka kowaad ee England tan iyo wixii ka danbeeyay 1966 kii waana taariikh xun oo loo calaamadiyay waqtiga Jose Mourinho ee Red Devils.

Markii ugu horaysay taariikhda horyaalka heerka kowaad ee England waxaa la diwaan galiyay in saddex kooxood oo kala duwani ayna hal guuldaro la kulmin waxaana taariikhdan dhamaystirtay Man City kadib markii ay Liverpool iyo Chelsea sii buuxiyeen doorkoodii.

Martial ayaa noqday xidigii shanaad oo kaliya ee reer France ah oo shan kulan oo xidhiidh ah oo Premier league ah goolal ka dhaliyay waxaana uga horeeyay Thierry Henry (3 jeer), Eric Cantona, Nicolas Anelka iyo Olivier Giroud.

Sergio Aguero ayaa barbareeyay rekoodhkii Wayne Rooney ee gool dhalinta Mancheser Derby wuxuuna Sergio Aguero dhaliyay goolkiisii 8 aad ee kulanka Manchester Derby isaga oo hadda haysta fursad uu rekoodhkan gabi ahaanba kula wareegi karo.

Markii uu Romelu Lukaku soo galay ciyaarta iyo waqtigii uu kooxdiisa rekoodhaha ugu guulaystay waxaa u dhexeeyay 30 ilbidhiqsi oo kaliya

COMMENTS
Latest News