Saxil News.com Hay’adda Iskaashiga iyo xidhiidhinta u qaabilsan Turkiga ee TIKA oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Diinta u qaabilsan Turkiga, ayaa maalgalisay Aroos wadareed loo sameeyay laba kun(2000) oo Lamaane Falastiiniyiin ah.Munaasibadda Caruus Wadareedka ah oo ay agaasinta Hay’adda TIKA oo kaashanaysa Ururka Xamaas ayaa Axaddii lagu qabtay magaalada Qassa, waxaana munaasibadda hadheeyay jacaylka ay Bulshada reer Falastiin u hayso Turkiga, iyadoo calamada labada wadan la lulayay.
|