Saxilnews.com
Dawladda Turkiga Oo (2,000) Oo Lamaane Reer Falastiin Ah Isu Guuriyey+Sawiro.
June 2, 2015 - Written by admin

Saxil News.com    10629806_870914119644130_1609183969441781031_nHay’adda Iskaashiga iyo xidhiidhinta u qaabilsan Turkiga ee TIKA oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Diinta u qaabilsan Turkiga, ayaa maalgalisay Aroos wadareed loo sameeyay laba kun(2000) oo Lamaane Falastiiniyiin ah.Munaasibadda Caruus Wadareedka ah oo ay agaasinta Hay’adda TIKA oo kaashanaysa Ururka Xamaas ayaa Axaddii lagu qabtay magaalada Qassa, waxaana munaasibadda hadheeyay jacaylka ay Bulshada reer Falastiin u hayso Turkiga, iyadoo calamada labada wadan la lulayay.



Dawladda Turkiga ayaa Qoysaskan ku bixinaysa lacag Afar Milyan gaadhaysa oo taageero ah, taas oo qoys walba helayo $2,000 Dollar, sidoo kalena waxaa loo dhisayaa qoysaskan 20 Goobood oo ah guryo ay degaan.



Gudoomiye xigeenka Ururka Xamaas ee reer Falastiin Ismaaciil Haniyah, ayaa Dawladda Turkiga uga mahadceliyay qoysaskan ay kafaalo qaaday Arooskooda iyo taageerada dheeraadka ah ee ay u fidiso Shacabka Falastiin “Waxaanu uga mahadcelinaynaa Bulshada Turkiga taageeradooda deeqsinimada leh ee ay siinayaan Bulshada Falastiin” ayuu yidhi Ismaaciil Haniyah.




Ismaaciil Haniyah waxa uu sheegay inuu soo dhawaynayo xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya Bulshada Turkiga iyo Falastiin, isagoo sidoo kalena sheegay inay u furan yihiin cid kasta oo danaynaysa inay xidhiidh la yeeshaan Falastiin.

berbera2002@gmail.com
Saxil News.com

 

COMMENTS
Latest News