TURKIGA OO MARAYKANKA KU EEDEEYEY INUU WAXYEELAYNAYO NABADDA ADDUUNKA.

0
18
US President Donald Trump reaches to shake Turkey's President Recep Tayyip Erdogan's hand before a meeting at the Palace Hotel during the 72nd United Nations General Assembly on September 21, 2017 in New York City. / AFP PHOTO / Brendan Smialowski (Photo credit should read BRENDAN SMIALOWSKI/AFP/Getty Images)

Istanbul:-(saxilnews.com) Turkiga ayaa sheegaya in go’aanka Mareykanka uu safaarad cusub kaga furanayo magaalada Qudus ay micneheedu tahay in Washington ay ku tala gashay in ay wax yeeleeyso nabadda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa sheegtay in go’aankaasi uu ahaa mid walwal iyo carqalad ku abuuray heshiisyada u yaalla Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareeykanka ayaa jimcihii shaaca ka qaadday in ay fureeyso safaaraddan muranka badan dhalisay, waxayna siddo kale wasaaraddu sheegatay in furitaanka safaaradda ay ku soo beegeeyso toddobaatan guuradii ka soo wareegatay xilligii la aasaasay dalka Israa’iil.

Bishii Disembar ee la soo dhaafay Turkiga ayaa marti galiyay shir ay ka soo qeyb galeen in ka badan 50 dal halkaas oo ay hogaamiyeyaasha Islaamka ay ku cambaareeyeen go’aanka Washington ay ugu aqoonsatay in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here