AABBO SHEEGAY IN WIILKIISU NAAFOOBAY MARKII UU SOO UGAADHSADAY XAYAWAANKA DIINKA OO UU DOONAYEY INUU IIB-GEEYO UMADANA UGA DIGAY CUQUBADA DIINKU LEEYAHAY

0
21

Laascaanood(saxilnews.com)-Iyadoo bishii u dambaysay Dadka qaar ku Mashquulsanaayeen Ugaadhsiga Xayawaanka Diinka oo la sheegay in lagu iibsado Magaalada Muqdisho ee Dalka Soomaaliya, ayaa waxa soo baxay Dad dhibaato caafimaad-darro la soo deristay markii ay Xayawaanka Diinka ugaadhsadeen.

Warka DiinkaAabbo ku sugan Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ee Somaliland, ayaa sheegay in Wiilkiisa oo soo Ugaadhsaday Diin uu la kulmay Xaalad Caafimaad-darro oo gaadhsiisan inuu naafo ka noqdo mid ka mid ah Gacmaha.

Aabbaha uu Wiilkiisu la kulmay dhibaatada Caafimaad-darro ka dib, markii uu soo ugaadhsaday Xayawaanka Diinka, ayaa isagoo faahfaahinaya sida wax ugu dhaceen Wiilkiisa wuxuu yidhi “Wiilkaygu wuxuu maqlay in Xayawaanka Diinka la iibsanayo, dabadeedna way soo Ugaadhsadeen, Diinkii ayay dusha ka saareen Mobile, dabadeedna Aanteenka ayaa Moobilkii ka dhacay, dabadeedna way soo qaateen, Markii uu Guriga keenay waxa Diinkii ka siidaayey Wiil aan Adeer u ahay (oo u diiday), laakiin Wiilkii Diinka soo qaatay laba Cisho markuu joogay ayaa Lug iyo Gacan waxa ka soo baxay wax barariso oo kale ah, ka dibna wixii way ka dillaaceen oo Xumaddii way ka jabtay waanu yar seexday, laakiin Gacantii way awood beeshay oo waa bakhti (Naafo).”

Aabbahan oo Telefiishanka HCTV oo aanu ka soo xiganay Magaciisa sheegin ayaa sheegay inuu hadda doonayo inuu Cilaaj geeyo “Dabadeedna Wiilka Gaadhi baan kaga soo qaaday Degmada Xuddun ee Gobolka Sool waxaanan keenay laascaanood si aan Cilaaj u geeyo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in dhibaatadu aanay Wiilkiisa ku koobnayn, balse uu jiro Nin uu qoorta ka Qaniinay Diin uu soo ugaadhsaday oo uu Tuurka ku soo qaatay isla-markaana u dhintay qaniinyadaasi “Waxa kale oo la ii sheegay in Nin Diin soo ugaadhsaday oo uu tuurta ku soo qaatay, Dabadeedna Diinkii uu qoorta ka qaniinay, waxa la sheegay in Ninkii Saddex Maalmood ka dib uu dhintay..”ayuu yidhi.

Dhacdooyinkan Argagaxa leh ee laga warramay ayaa ku soo beegmaya Xilli Dawladda Somaliland go’aamo ad-adag ka soo saartay ugaadhsiga Diinka isla-markaana Toddobaadkii hore Maxkamadda Degmada Hargeysa ay min Saddex Sannadood oo xadhig ah ku xukuntay Shan Nin oo lagu qabtay Diin ay soo ugaadhsadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here