Saxilnews.com
ARSENE WENGER OO KA HADLAY SHEEKO DHEXMARTAY PEP GUARDIOLA OO WEYDIISTAY INUU ARSENAL UCIYAARO XILIGII UU CIYAARTOGA AHAA
February 19, 2018 - Written by editor

London(saxilnews.com)-Macalinka kooxda kubada Cagta Arsenal Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday in hadda ka hor uu Gurigiisa ugu yimi Pep Guardiola isaga oo iga doonaya inuu u ciyaaro Arsenal.

Arsene Wenger oo waraysi siiyey beIN.ayaa shaaca ka qaaday in Maalin ka mid ah Maalmaha uu la kulmay Pep Guardiola oo ku sugaya Gurigiisa iridiisa isla markaana uu ka codsaday in uu u ciyaaro Arsenal balse markaan ma aan dooneyn mana u heli kerin boos joogta ah si kastaba waa qanciyey ayuu hadlkiisa kusii daray Wenger.

Hogaamiyaha Arsenal ayaa aad u amaanay Macalin Pep Guardiola isaga oo sheegay in uu aad u ixtiraamo waa Macalin aad u wanaagsan aragti fog leh wax badana ku soo kordhiyey kubada cagta waxa uu leeyahay dabeecad wanaagsan waana mid aad ugu Wanaagsan kubada Cagta xitaa hadii aannu koob qaadin maahan mid Niyad jaba sidaa waxa uu ku sheegay Macalinka dalka France Waraysi uu siiyey beIN.

Wenger ayaa sidoo kale cadeeyey in intii uu ahaa Macalinka kooxda Arsenal uu diidey dalabaad rasmi ah oo ka soo gaadhay kooxo waa weyn waxaanan u diidey ayuu yidhi Jacaylka kooxda Arsenal waxaanan doonayey in aan hal Naadi ku dhamaysto.

COMMENTS
Latest News