Hargeysa (Saxilnews) Mustafe Cabdi Ciise Shiine badhasaabkii gobolka Maroodijeex ee Khamiistii Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday ayaa sheegay in walaac weyni ka dhex jiro xisbiga iyo xukumadda Kulmiye, islamarkaana indho gaar ah lagu hayo dadka beeshiisa. Waxa uu sheegay in wasiirrada iyo madaxda kaleba khaati ka joogan dad si qabiili ah ugu ololaynaya Muuse Biixi oo kormeer iyo dabagal ku haya madaxdii iyo siyaasiyiintii xukumadda. Hadalkiisa ayaa badka soo dhigay walaaca horeba looga muujiyay istaraatijiyadda ololaha Kulmiye ee ah Jeegaanta(Awal iyo Habarjeclo) waxaanu soo dhigay su’aal ah musharraxa ma beeshiisa kaliya ayaa ku hadhaysa.
Mustafe Shiine oo u warramay Badri Koosar oo ka tirsan telefishanka Eryal waxa uu sheegay in aanay marnaba qorshaha ugu jirin iscasilaad laakiin, intaas lagu eedaynayay in uu iscasilaad maaggan yahay“Waxaad moodda in dadkii qolo qolo loo kala saarayo. Dad badan oo aan anigu ku jiro dhammaantood waxa lagu eedeeya in ay is casilayaan, waxaanad moodda in rag wax doonaya iyo dad is leh waxbaad u ololaynaysaan ay waxan ka shaqaynayaan oo ay mar walba dacwad iyo handadaad adiga oo masuul ah inamo yaryar intay ku yimaaddan ku leeyihiin maad is casilaysa?,” Sidaas ayuu yidhi Mustafe Shiine oo intaasi raaciyay in aanay qorshaha ugu jirin iscasilaad islamarkaana uu fulinayay wareegtadii Madaxweynuhu ololaha kaga xakameeyay badhasaabada si ay booliska iyo Komishanka ula shaqeeyaan.
Mustafe Shiine waxa uu muujiyay in beesha Musharrax Muuse Biixi dad ka soo jeeda culays ku hayaan dadka beeshiisa(Garxajis) ee xukumadda ka tirsan waxaana la waydiiyay waxa uu uga jeedo in dadka qolo qolo loo qaybinayo waxaanu yidhi “Waa dadka nagu eedaynaya aniga iyo Maxamed Muuse Abees(Wasiirru-dawlaha Madaxtooyada) iyo rag kale oo xaafaddayada u badan in aanu is casilayno. Anigu marnaba ismaan casilayn meeshana kumay jirin. Waa rag doonaya musharraxa xisbiga Kulmiye ka sharraxan in ay ridaan sababta oo ah marka dadkii isaga la socday la wada eedaynayo macnaha kalsooni darro iyo niyad jab baa lagu ridaya ciidankiisii,marka Musharraxa ma reerkiisa uun baa u hadhaya? Marka dadkii kale ee xilalka hayay la wada eedaynayo, marka waxaan u jeeda dadka na eedaynaya anaga oo dawladdii ka mid ah ee wasiirrada eedaynaya, imika rag badan baan maalin walba cabashadooda arka oo leh waa lay hanjabay iyo waa la I handaday oo waad iscasilaysa ayaa la I leeyahay, ragba toban jeer, anigaygan waad I aragtay inta jeer een tv-ga ka idhi anigu Kulmiye Ayaan ahay haddana way nagu socotay uun, maantana tan xilka la igaga qaaday waxa weeye Badhasaabkii Waddani ayuu raacay, Kulmiye lama shaqeeyo, wuu iscasilaya,” Sidaas ayuu yidhi Mustafe Shiine.
Hadalladan Mustafe Shiine waxay markhaati ka yihiin masuuliyiin soo celceliyay in aanay iscasilayn haddana aanay saaxadda ka bixin hadal haynta ah in ay iscasilayaan. Wasiirka qorshaynta Maxamed Ibraahin Qabyotire ayaa marar badan saxaafadda ka sheegay in aanu iscasilayn. Waxaaba la odhan kara xilligan ololaha inta uu weedho olole ah u yidhi Kulmiye waxa ka badan inta jeer ee uu iska difaacay eedo soo baxay oo sheegaya in uu iscasilayo isna uu warbaahinta u yeedhay ee uu beeniyay. Maxamed Muuse Abees, guddoomiyaha golaha dhexe ee Kulmiye Jaamac Shabeel iyo xubno kale ayaa ka mid ah dadka iyaguna beeniyay in ay iscasilayaan laakiin, wali la hadal hayo.
Xil ka qaadista Mustafe Shiine ayaa imanaysa iyada oo ay isa soo tarayso siyaasiyiinta Kulmiye ka baxaya iyo kuwa iyaga oo xilka haya mucaaradka ku biiriya kuwaas oo uu ugu dambeeyay Sheekh Saleebaan agaasimihii wasaaradda Diinta iyo Awqaafta. Marka Xukumadda iyo xisbigeeda Kulmiye uu ka dhex jiro walaaca ah hadal hayn ah in maalmaha doorashada ka hadhay ay iscasilaadi hadhayn doonto waxay majaraha ka leexinaysa ololaha xisbiga Kulmiye ee ah in uu taageerayaal hor leh kasbado maaddaama uu gudihiisii ilaalinayo. Xisbiga ayaa hadda aanu firfircoonayn ololihiisa siiba caasimadda Hargeysa.
Mustafe Shiine waxa uu u muuqday mid si weyn isu dhawraya oo korka ka hafaya arrimaha uu ka hadlayo waxaanu sheegay in uu hadda u madax bannaan yahay meesha uu tagayo, islamarkaana durba dalabyo yeedhmo ahi soo gaadhayaan. Talaabadan iyo weedhihiisa ayaa waddada u xaadhi kara in ay iscasilaan ama xilka laga qaado dadka kale ee uu sheegay in ay khaatiyaan ka joogaan hanjabaad lagu hayo taas oo suldaari karta ololaha Musharrax Muuse Biixi.
Xigasho:– Sayruuq