Madaxweynaha Turkiga Oo Diyaarado Militari U Diray Magaalada Muqdisho Si Dhaawacyada Qaraxii Shalay Loogu Qaado

0
17
Moqdisho (Saxilnews):- Afhayeen u hadlay madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in dadkii ku dhaawacmayqaraxii sabtidii lagu daweyn-doono dalka Turkiga.

Dhambaal uu soo dhigay Twetter-ka waxaa uu sheegay ” Diyaarad Militari ah ayaa maanta u duuleysa Soomaaliya si ay daawo u qaado isla markaana ay dhaawac uga soo qaado Turkiga, taasi waa amar uu bixiyay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Image may contain: outdoor

Diyaaradda ayaa la filayaa in ay soo gaadhto Soomaaliya saacadaha soo socda, si dad badan oo aan dalka waxba looga qaban Karin loogu qaado dalka Turkiga.

Agaasimaha isbitaalka Ordogan (Ex-Digfeer): Xuseen Maxamud Nuur o ayaa sheegay in 207 qof ay qaabileen, 11 ayuu sheegay in markiiba ay dhinteen isaga oo intaasi raaciyay in 12 ka mid xaaladooda khatar tahay oo 5 ka mid ah dadkaasi aan dalka waxba looga qaban Karin, dadka dhintay waxaa uu da’dooda ku qoyaasay 20-40 jir, Isbitaalka Ordogan (Ex-Digfeer) waxaa uu 24 saac isticmaalay dawaadii ay ugu talo-galeen 6 bilood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here