WAR DEG DEG AH:MID KAMIDA WASIIRADA AWOODA BADAN EE SOMALILAND OO QARKA U SAARAN INUU IS CASILO IYO XISBIYADDA MUCARADKA OO U SACABO TUMAYA

0
20

Hargaysa( SAXILNEWS.COM)Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Maxamed Ibraahim Aadan Qabyo-tire Oo Ka Mida Siyaasiyinta Ugu Tunka Wayn Xisbiga Talada Haya Ee Kulmiye Ayaa Waxa Soo Baxaya Warar sheegaya Inuu Qarka U Saaran Yahay Inuu Baneeyo Jagada Wasiirnimo Kana Huleelo Xisbiga Kulmiye,

Xogahan ayaa Tibaaxaya In Khilaaf Soo Kale Dhax Galay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Bixi Cabdi Ka Dib Markii Mudo Laga Joogo Bil Iyo Dheraad U Shaaciyay Wasiirka Qorshaynta Qaranku Inu U Taagan Yahay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Bixi Dabadii.

 Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Ayaa Ka Mida Siyaasiyinta Ugu Misaanka Culus Ee Beelaha Dega Goboladda Hawd,Maroodijeed, Daadmadheed,Togdheer Iyo Saaxil Kuna Dhex Leh Tageerayaal U Heelan Inay Meel Mariyaan Hankiisa Siyadeed.

Gudoomiye  Muuse Bixi Oo Shirar Doceedyo Kale Duwan Kula Yeeshay Gudaha Magalada Hargaysa Siyaasiyinta Beesha U Kaso Jeedo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Oo Ay Ugu Danbaysay Maanta Uu Kulankaasi  Ka Socdo  Hargaysa Isla Markaana U Goobta Ka Maqan Yahay Wasiirka Qorshaynta Qaranka Oo Muuse Bixi Ka Reebay Shirkaasi In Loo  Yeedho Wasiirka Qorshaynta,

Khilaafkaasi Soo Kale Dhexgalay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Ayaa Dabada Ku Haya ,Shaacinta Wasiirka Ee Gudoomiyaha Xisbiga Oo La Damacsan Yahay In Loo Dhiibo Siyaasiyiin Kasoo jeeda Beesha Madaxwaynaha Silaanyo.

Khilaafkaasi Siyaasadeed Oo Sababi Kara In Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Maxamed Ibraahim Aadan Qabyo-Tire Iyo Tageerayaal Tiro Badan Oo Kaso Jeeda Deegaan Wasiirku Ay U Dareeraan Xisbiga Wadani Oo Hore U Sii Jogeen Siyaasin Misaan Ku Leh Deegaanka Wasiirka Qorshaynta Qaranka Oo Ay Ka Mid Yihiin SIyaasi Abdilaahi Jawaan Iyo Gudoomiyha Ku Meel Gaadhka Xisbiga Wadani Abdiqaadir Jirde ,Sababina Karta In Codka Ugu Badan Degankaasi U Kasbado Xisbiga Wadani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here