Hargaysa( SAXILNEWS.COM)Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Maxamed Ibraahim Aadan Qabyo-tire Oo Ka Mida Siyaasiyinta Ugu Tunka Wayn Xisbiga Talada Haya Ee Kulmiye Ayaa Waxa Soo Baxaya Warar sheegaya Inuu Qarka U Saaran Yahay Inuu Baneeyo Jagada Wasiirnimo Kana Huleelo Xisbiga Kulmiye,
Xogahan ayaa Tibaaxaya In Khilaaf Soo Kale Dhax Galay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Bixi Cabdi Ka Dib Markii Mudo Laga Joogo Bil Iyo Dheraad U Shaaciyay Wasiirka Qorshaynta Qaranku Inu U Taagan Yahay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Bixi Dabadii.
Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Ayaa Ka Mida Siyaasiyinta Ugu Misaanka Culus Ee Beelaha Dega Goboladda Hawd,Maroodijeed, Daadmadheed,Togdheer Iyo Saaxil Kuna Dhex Leh Tageerayaal U Heelan Inay Meel Mariyaan Hankiisa Siyadeed.
|