Kormeerkani aanu ku soo marnay goboladda iyo degmooyinka dalka gaar ahaana kuwa ay ka socoto diiwaangelinta madaniga ah, ayaa u jeedadiisu waxay ahayd mid aanu ugu kuurgelaynay habka iyo hanaanka ay uga socoto diiwaangelinta madaniga ah .aHadaba sidoo kale waxa ka mid ah Degmooyinka aanu soo marnay ee ay sida habsami ah uga socotaa diiwaangelinta madaniga ah,Dagmadda Sheekh oo ka mid ah magaalooyinka hoosyimaada gobolka Saaxil ee berbera halkaas oo ay dadweynuhu si fiican u soo buuxiyeen goobaha laga diiwaangelinayo.
Goob ka mid ah goobaha diiwaangelinta ee magaaladda Sheekh ee gobolka Saaxil
maamulka iyo waxgaradka ka degmadda Sheekh oo aanu waydiinay sida ay hawsha diiwaangelinta madaniga ahi uga socoto Dagmadaasi, ayaa waxay noo sheegeen in si aad ah ay dadku ugu heelan yihiin in ay is-diiwaangeliyaan. Waxaanay masuuliyiinta heer heer degmo ee Sheekh si weyn ugu mahad naqeen guud ahaanba bulshadda ku dhaqan degmadaasi oo ay ku bogaadiyeen sida wanaagsan ugu soo baxeen qaadashadda kaadhka dhalashadda, kuwaasi oo ay sheegeen in ay tirro aad u badani muddo kooban isku diiwaangelisay.
Hadaba Xarunta dagmadaasi sheekh ee ay ka socoto diiwaangelintu ayaa la sheegay in tiradoodu yartahay, isla markaana loo baahanyahay in la soo kordhiyo goobahaasi ay dadka iska diiwaangelinayaa ku badanyihiin. “Waxaa in loo kordhiyo goobaha ay dadku ka qaadanayaan kaadhka aqoonsiga, taasina waxaa ugu wacan bay ila tahay maadaama oo ay magaaladda gudaheediina tahay, goobuhuna ay ku yar yihiin. Laakiin in badan oo qaadatayna waxay jiraan.”
Maadaama oo ay Dadka degan degmadda sheekh, ay u badan yihiin dad xoola dhaqato iyo kuwo Beeralay ah oo ku nool meelo aad u kala fog-fog , hadaba muxuu yahay qorshaha madax-dhaqameedka deegaankaasi ay ku doonayaan in dhamaanba dadka deegaankaasi ay helaan diiwaangelinta ama qaadashadda Kaadhka dhalashadda Somaliland.
Sidoo kale waxa ay ku booriyeen dadka aan iyagu weli is-diiwaangelinin in ay ku dedaalaan sidii ay isku diiwaangelin la haayeen ee ay u qaadan lahaayeen kaadhka dhalashadda, kaasi oo ay sheegeen in haddii imika si bilaash ah ay ku qaadan waayaan aanay mar danbe fursad u heli doonin in ay helaan, isla markaana kaadhkani jinsiyadu uu yahay midka kala cadaynaya qofku dalka uu u dhashay.
Diyaariye:Axmed Maxamuud Cismaan(Mr:Duni Cusub)