Dagmadda Sheekh iyo Sida Ay Diiwaangelintu Uga Socoto,Qaybta 4aad

0
16

Kormeerkani aanu ku soo marnay goboladda iyo degmooyinka dalka gaar ahaana kuwa ay ka socoto diiwaangelinta madaniga ah, ayaa u jeedadiisu waxay ahayd mid aanu ugu kuurgelaynay habka iyo hanaanka ay  uga socoto diiwaangelinta madaniga ah .aHadaba sidoo kale waxa ka mid ah Degmooyinka aanu soo marnay ee ay sida habsami ah uga socotaa diiwaangelinta madaniga ah,Dagmadda  Sheekh oo ka mid ah magaalooyinka hoosyimaada gobolka Saaxil ee berbera  halkaas oo  ay dadweynuhu si fiican  u soo buuxiyeen goobaha  laga diiwaangelinayo.

Goob ka mid ah goobaha diiwaangelinta ee magaaladda Sheekh ee gobolka Saaxil

maamulka iyo waxgaradka ka degmadda Sheekh oo aanu waydiinay  sida ay hawsha diiwaangelinta madaniga ahi uga socoto Dagmadaasi, ayaa waxay noo sheegeen in  si aad ah ay  dadku ugu heelan yihiin in ay is-diiwaangeliyaan. Waxaanay masuuliyiinta heer heer degmo ee Sheekh si weyn ugu mahad naqeen guud ahaanba bulshadda ku dhaqan degmadaasi oo ay ku bogaadiyeen sida wanaagsan ugu soo baxeen qaadashadda kaadhka dhalashadda, kuwaasi oo ay sheegeen in ay tirro aad u badani  muddo kooban isku diiwaangelisay.

Hadaba Xarunta dagmadaasi sheekh ee ay ka socoto diiwaangelintu ayaa la sheegay in  tiradoodu yartahay, isla markaana loo baahanyahay in la soo kordhiyo goobahaasi ay dadka iska diiwaangelinayaa ku badanyihiin. “Waxaa in loo kordhiyo goobaha ay dadku ka qaadanayaan kaadhka aqoonsiga, taasina waxaa ugu wacan bay ila tahay maadaama oo ay magaaladda gudaheediina tahay, goobuhuna ay ku yar yihiin. Laakiin  in badan oo qaadatayna waxay jiraan.”

Maadaama oo ay Dadka degan degmadda sheekh,  ay u badan yihiin dad xoola dhaqato iyo kuwo Beeralay ah  oo ku nool meelo aad u kala fog-fog , hadaba muxuu yahay qorshaha  madax-dhaqameedka deegaankaasi ay ku doonayaan in  dhamaanba dadka deegaankaasi ay helaan diiwaangelinta  ama qaadashadda Kaadhka dhalashadda  Somaliland.

Sidoo kale waxa ay ku booriyeen dadka aan iyagu weli is-diiwaangelinin in ay  ku dedaalaan sidii ay isku diiwaangelin la haayeen ee ay u qaadan lahaayeen kaadhka dhalashadda, kaasi oo ay sheegeen in haddii imika si bilaash ah ay ku qaadan waayaan aanay mar danbe fursad u heli doonin in ay helaan, isla markaana kaadhkani jinsiyadu uu yahay midka kala cadaynaya qofku dalka uu u dhashay.

Diyaariye:Axmed Maxamuud Cismaan(Mr:Duni Cusub)

kobciye999@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here