Mid Ka Mid Ah Dawladaha Islaamka Oo Diidey In Ay Hawada Dalkeeda Dul Marto Diyaarad Uu Saarnaa Raysal –Wasaaraha Yuhuuda.

0
25

Hargeysa(Saxilnews):-Mid ka mid ah dalalka Caalamka Islaamka ah ayaa waxa ay diidey in Hawadeeda ay soo marto diyaarad uu saarnaa Madaxwaynaha Maamulka Israa’iliyiinta Banjamin Natanyaahu.

Dalkan oo ah Dawlada Indoonisiya ayaa si cad iyadu ugu soo hor jeedsatay in ay diyaaradaasi oo ka soo duushey Dalka Singabuur kuna sii jeeday dalka Austareeliya ayaa si cad uga weecisey hawadeeda in ay soo dul marto diyaaradaasi.

Afhayeen Wasaarada arimaha Dibada Dalka Indoonisiya Mr Armanatha Nasir waxa uu warbaahinta u xaqiijiyey in ay dawladu bixisay amarka Hawada dalkaasi loogu diidey in ay soo dul marto diyaaradaasi siday Madaxwaynaha Yuhuuda ee Israa’iil.

Safarka uu ugu sii jeedo Natanyaahu Austareeliya kana duulay dalka Sinagbuur ayaa hadii loo ogolaan lahaa in uu dul maro HAwada Indoonisiya waxa ay ku qaadan lahayd Kaliya Sideed Saacadood halka ay haatan oo loo diidey Hawada Indooniisiya ku qaadatay 11 Saacadood.

Indooniiniya oo ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan Aduunka ayaa waxay si wayn u taageertaa Qadiyada dalka Falastiin halka ay si wayn uga soo hor jeeda hab-dhaqanka Maamulka Yuhuuda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here