Hargeysa (Saxilnews):- Laba wasiir oo ka tirsan xukuumada madaxweyne Siilanyo ayaa
waxaa ay goor dhaweyd ku kala calaf qaadeen dagaal gacan ka hadal ah iyaga oo ku sugan xarunta baarlamaanka Somaliland
Waxaana ay labadan wasiir isku gacan saareen xarunta golaha guurtida Somaliland iyaga oo ku sugan ka dib kulan ay la yeesheen gudoomiyaha golahaas Saleeban Maxamuud Aadan
Sababta Kaliftey in labada wasiir dagaal gacanta ah ku kala calaf qaadan ayaa waxaa ay goob joogayaashu u sheegen Ilaysnews.com in ay tahay markii ay ku kala aragti duwaneed codsi ay u gudbiyeen gudoomiyaha golahaas oo ku saabsana muddo kordhinta xukuumada loo kordhinaayo inta ay noqon doonta
Mid ka mid ah wasiiradaasi ayaa waxaa uu gudoomiye Saleeban Ka codsadey in xukuumada loo kordhiyo muddo 2 (laba) sanadood ah
Wasiirka kale ayaa waxaa uu isana gudoomiyaha ka codsadey in xukuumada loo kordhiyo oo lagu daro mudadii lagu heshiiiyey muddo 6 bilood oo kale ah
Balse waxaan si cad loo ogeyn labdaasi dalab in uu gudoomiye Saleeban ku gacan seydhay iyo waxaa uu kaga fal celiyey waxaana bulshada Somaliland ay u dhegtaageysaa go,aanka ay golaha guurtidu maalmaha soo socda ka gaadhan muddo kordhin mar labaad loo sameynaayo xukuumada madaxweyne Siilanyo