Siyaasiyiin Iyo Mujaahidiin Reer Somaliland Ah Oo Baraha Bulshadu Ku Kulanto Kusoo Bandhigey Mudaharaad Casri Ah

0
19

Hargeysa(Saxilnews)Siyaasiyiin iyo Mujaahidiin Reer Somaliland ah,sidoo kalena ka tirsan Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka ayaa baraha bulshadu ku kulanto kusoo bandhigay mudaharaad Casri ah oo noociisu ku cusub yahay saaxadda siyaasadda Somaliland.

Siyaasiyiintan  iyo Mujaahidiintan oo kala ah Professor Cabdisalaan Yaasin, Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi iyo Maxamed Baashe Xaaji Xasan iyo dadweyne kale oo shacab ah ayaa baraha bulshadu ku kulanto ee Facebook-ga soo dhigay kuna baahiyey sawiro laga soo qaaday iyaga oo sita boodhadh ay ku xardhan yihiin qoraal kooban oo nuxurkiisu ahaa “FADLAN NA QANCI”

Mana jirto ilaa hada wax faahfaahin ah oo dheeriya oo ay ka bixiyeen boodhadhkan ay soo qaateen ee ay ku soo xardheen Erey Bixinta ah  “Fadlan Na Qanci”, waxaanay arrintani muran badan ka dhex-dhalisay dadweynaha ku kulma baraha bulshada iyo meelaha kale ee laga qaxweeyo taas oo aad loo falanqaynayey mudaharaadkan casriga ah ee ay siyaasiyiintu soo bandhigeen iyaga oo siyaabo kala duwan loo fasiranayey.

Siyaasiyiintan iyo Mujaahidiintan soo bandhigay boodhadhka ay ku xardhan yihiin “Fadlan Na Qanci” ayaa waxay mudooyinkii u danbeeyey si wayn uga soo horjeedeen Saldhiga Milateri ee dawlada Somaliland magaalada Berbera ka siisay dawlada Imaaraadka Carabta,iyaga oo sheegay in saldhigaasi khataro iyo colaado usoo jiidi karo Somaliland.

Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo ah agaasimaha Tv-ga caalamiga ah ee Star-Tv sidoo kale kamid ah qoraayada Reer Somaliland kana mid ah siyaasiyiinta baraha bulshada kusoo  bandhigay mudaharaadkan casriga ah ayaa ay  ciidamada booliska Somaliland xalay xabsiga u taxaabeen, waxaanay wararku sheegayaan in arrinta xadhigiisu ay la xidhiidho ka hadalka arrimaha saldhiga Milateri oo uu si wayn uga soo horjeedo.

Gabagabadiina Bulshada Somaliland ayaa ilaa saaka isla dhex maraysa xadhiga ay xukuumaddu kula kacday Agaasime Maxamed Baashe Xaaji Xasan iyo waliba mudaharaadkan casriga ah ee ay soo bandhigeen siyaasiyiintani,arrimahaas oo bulshada caasimada Hargeysa  siyaabo kala duwan ay uga hadlayeen.

1 2 3

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here