Saxilnews.com
Qoyska Ugu Ballaadhan Dunida Oo Ku Nool Guri Kaliya !
February 21, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa(Saxilnews)Waa arrin aad u layaab badan in hal qoys oo ku abtirsada Aabo kaliya in uu ka koobnaado 181 qof, sidoo kale waxay noqotay arrin aad u layaab badan in ay qoyskani ku wada nool yihiin hal guri oo ka kooban 100 qol.

 

Qoyskan ayaa ku nool Dalka Hindiya gaar ahaan gobolka Mizoram, qoyskan ayaa waxa uu ka kooban yahay Aabo iyo 39 dumar ah oo uu qabo waxaanay dhaleen 94 wiil iyo sidoo kale 14 gabdhood, waxa kale oo la sheegay in ay ubadkaasi leeyihiin 33 awoow iyo ayey oo ay dhammaantood ku wada nool yihiin hal guri.

Ziona Chana oo ah ninka aabaha ka ah qoyskan oo qaba 39ka dumarka ah ayaa waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu guursaday 39 dumar ah iyo sidoo kale in ay farxad ku wada nool yihiin oo aan qofna qof ka caban.

Mr Ziona Chana wareysi uu siiyay The Sun oo Wargeyska Himilo soo xigtay ayaa waxa uu yidhi “Aad ayaan ugu kalsoonahay naftayda waxaanan aaminsanahay in aan ahay nin aad u nasiib badan maadaama oo aan 39 dumar ah qabo aanan hoggaamiye u ahay qoyska ugu ballaadhan Dunida”.

Si kastaba ha ahaatee iyada oo ay arrintani tahay arrin aynaan Diin ahaan iyo dhaqan ahaanba aynaan la waddaagin Qoyska ugu ballaadhan Dunida ayaa haddana waxay tahay arrin aad u layaab badan oo xusid mudan waana dhacdo ka mid ah mucjisooyinka la yaabka leh ee Dunida guudkeeda ka dhaca.

COMMENTS
Latest News