Mudaharaad Maanta Ka Dhacay Magaalada Burco+Cidda Dhigaysa Mudaharaadka Iyo Waxa Lagaga Soo Horjeedo+Sawiro

0
23
Hargeysa(Saxilnews)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer soona gaadhay xafiiska shabakada wararka Saxilnews ayaa sheegaya in mudaharaad uu maanta ka dhacay magaalada Burco.

Mudaharaadkan oo ay dhigayeen bulshada magaalada Burco ayaa waxa ay dadkani kasoo horjeedeen heshiiskii shalay ay xildhibaanadu ku meel mariyeen saldhiga Milateri ee dawlada Imaaraadku doonayso inay ka dhisato magaalada Berbera taas oo uu shalay madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed maxamuud “Siiilaanyo” uu labada gole qaran ee guurtida iyo  wakiilada horkeenay.

Waxaana wadooyinka magaalada Burco iyo goobaha ay bulshadu ku mudaharaadayeen lasoo dhoobay ciidamo tiro badan kuwaas oo markii danbe kala dareeriyey dadkii mudaharaadka iskugu soo baxay.

Sidoo kalena ciidanka booliska gobolka Togdheer ayaa waxay xabsiga u taxaabeen dad badan oo kamid ahaa dadkii mudaharaadka dhigayey.

Mudaharaadkan maanta dhacay Ayaan wali la xaqiijin inuu khasaare sababay iyo in kale.

1 2 3 4 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here