Shacabka Ku Dhaqan Magaalada Hargeysa Oo Mudaharaad Isugu Baaqaya Iyo Halka Ay Ku Balameen Iyo Magacyada Masuuliyiin Dabada Ka Riixaya

0
18

Hargeysa (Saxilnews) Guud ahaanba shacabka ku dhaqan Somaliland ayaa intooda badan waxaa ay ka soo horjeedaan kana mideysan yihiin inaan la dhaxal wareejin garoonka diyaaraha ee magaalada Barbara.

Kaas oo xukuumada Somaliland ay dooneyso inay u gacan galiso dawlada Imaaratka Carabta, shacabkaa ku dhaqan magaalooyinka Hargeysa, Barbara, Boorama iyo Burco ayaa ka mideysan inay isugu soo baxaan mudaharaad salmiya oo ay ku diidan yihiin mashruuca wareejinta ee madaxweyne Siilaanyo maalinta bari ah, uu labada gole khudbadiisa ugu soo dari doono.

Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa isagu hore ugu baaqay in arrintani shacabku meel adag iska taagan xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo xildhibaan Maxamed Faarax Qabile kana tirsan mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa geestooda iyaga oo kaashanaya ganacsato iyo siyaasiyiin guud ahaanba u dhalatay Somaliland waxaa ay dabada ka riixayaan sidii ay shacabka Somaliland ay uga hor iman-lahaayeen arrintani oo lagu gacan galiyo carabta marinka diyaaraha ee magaalada Barbara.

Shacabkan ayaa ku balamaya in ay iskugu imaadaan xarunta golaha wakiiladda horteeda iyo agagaarka madaxtooyadda somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here