Hargeysa(Saxilnews) :— Dr. Cabdirisaaq Cali Cabdillaahi oo ah dhakhtar ka hawl-gala waadhka caruurta ee cisbitaaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in sannadkii dhamaaday ee 2016-ka ay daweeyeen bukaan ay tiradoodu gaadhayso saddex kun, laba boqol iyo shan iyo soddon caruur ah.
Dr. Cabdirisaaq waxa uu sharaxaad ka bixiyay noocyada bukaanka caruurta ah ee soo gaadhay waadhka, kuwaasi oo isugu jiray bukaan socod iyo kuwa la jiifiyay waadhka waxaanu tilmaamay in ubadka la jiifiyay waadhka ay tiradoodu dhantahay lix boqol iyo saddex iyo konton caruur ah,halka caruurta bukaan socodka ah ee soo gaadhay ay dhanyihiin laba kun shan boqol iyo laba iyo siddeetan caruur ah.
Dr. Cabdirisaaq waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi gaar ah oo siiyay wargeyska Dawan, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Caruurta waadhadhka daaweynta oo kaliya soo jiifsatay waxay ahaayeen lix boqol iyo saddex iyo konton caruur ah, lixdaa boqol iyo saddex iyo kontonkaa caruurta ah waxaa dhimasho naga noqday 24-caruura,waxaa gudbin naga noqday ilaa afar caruura oo dalka gudihiisa waxba lagaga qaban kariwayay, waxaa bukaan socod ahaa caruur gaadheysa laba kun shan boqol iyo laba iyo siddeetan, sanadkan aynu ku jiro ee 2017-ka waxaa bukaan jiif naga noqday caruur gaadheysa ilaa koob iyo konton wax dhintayna ma jiro bukaan socodkuna waa saddex boqol oo ciyaala xaaladooda caafimaadna meel wanaagsan ayay mareysaa.”
Dhanka kale Dr. Cabdirisaaq waxa uu ka waramay xanuunada ugu badan ee caruurta waadhkooda soo gaadha ay u soo dhacaan waxaanu yidhi “Xanuunada ugu badan ee caruurtan meesha loo keenay waxaa ay ahaayeen Dhiig la;aanta, Nafaqo la’aanta, Shubanka, Oofta, Xumada, Xanuunada Beerka ku dhaca Iyo kuwa Wadnahaba, Jadeecada Qoor-gooyaha, Kixda iyo xanuuno kale. caruurtuna meelo kala duwan oo gobolada iyo degmooyinka Somaliland ah ayay ka yimaadan, hawgu badnaado gobolka Maroodijeexe, sidoo kale waxaa ay ka yimaadan gobolada dhexe ee Soomaaliya, Itoobiya iyo meelo kale.”
Dhakhtarku isaga oo hadalkiisa sii watay waxaa uu intaas ku daray, “Caqabad kaliya ayaa na heysata oo aanu jecelahay inay bulshada Somaliland ay wax nagala qabato, waayo waxaa ina soo maray wakhti jilaala oo aad u adag oo imika dabayaaqo sii ah, abaartaasi dad iyo duunyadiiba waa ay ka madhisay markaa waxaa jira caruur badan oo xanuuno u soo dhacay oo aan heysan awood dhaqaale markaa, caruurtaasi heyntoodi iyo daaweyntoodiba waxaanu kala kulanay dhibaatooyin farabadan, markaa anaga oo aan wada dabooli Karin baahiyaha aasaasiga ah waxaanu bulshada iyo cid kasta oo wax nala qaban karta aanu ka codsaneynaa in ay taageero noo fidiyaan dhan walba ah.”
Cabdirisaaq waxa uu sheegay inay habeen iyo maalinba heegan ugu jiraan daaweynta caruurta soo gaadhaysa waadhka bukaanka caruurta waxaanu yidhi “Hadh iyo habeen heegan ayaanu ku jirnaa oo waanu shaqeynaa. waayo taasi waxaa ay naga caawineysaa in caruurtii xanuusaneysay ay hore uga baxaan dhakhtarkii marka aanu la tacaalno xanuunkii hayay, waadhkan waxaa la dhigaa oo lagu daryeela caruurta nafaqadoodu aadka u liidato, afar iyo labaatanka saacadood ee isku soo wareegayna waa uu shaqeeyaa”
Hooyo Bilisho Shukri Dirir, oo ka mid ah waalidka ubadka bukaanka ah kula jirta waadhka caruurta ee cisibtaaka guud ayaa ka warbixisay xaaladda waadhkan iyo wixii ay kala kulmeen, waxaanay tidhi “Waxaan halkan la soo galay isaga oo ilmahan yari dhab ahaan koomo ku jira, oo infagshan dhiiga raacay ayuu soo saaray baadhitaankii, imikana isbadel aad u weyn ayuu ku jiraa, marka hore Illaahay baa mahad iska leh, marka xigana dhakhaatiirta sida weyn noola dadaashay ayaan u mahad celinayaa, ilmahayga laba habeen iyo laba maalmood ayay ogsijiin ku xidhneyd, markaa imika alxamdulilaah caafimaadkiisu waa taam”
Halkan Ka Daawo
https://www.youtube.com/watch?v=4DskhE3vnNM